Barnaamijka xiiso leh oo Star TV ka sameeyey Buurta Rabshiga iyo Maydh

Telefishanka Star TV ayaa barnaamij xiiso leh ka sameeyey goobo taariikhi ah oo ku yaal gobolka Sanaag oo ay ka mid yihiin Buurta Rabshiga iyo Maydh. Barnaamijkani wuxu qayb ka yahay barnaamijyo taxane ah oo todobaadle ah loogu magac-daray diiradda wacyiga. Waxa barnaamijka qaadaa-dhigaya Cabdirisaaq Yuusuf Cali “Teera.”

Waxa xiise gaar ah leh nin ka mid ahaa shaqaalihii Buurta Rabshiga ka hawlgeli jiray 53 sanno ka hor oo qaadaa dhigaya goobaha iyo taariikhda buurtan iyo ganacsigii ka jiri jiray.

Waanu ka helnay, adigana waxanu rajaynaynaa in aad daawashadiisa ka heli doontid.

“Barashada dalkaaga

Horta laga bogtaayoo

Baryo lagu mashquulaa”

Hadraawi