Booliska Kiinya ayaa waxay maanta toogasho ku dileen saddex haween ah oo weerar ku qaaday saldhig boolis oo ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee xeebta ku taala ee Mombasa.
Saddexdan haweenka ayaa la sheegay in middi ay ku weerarareen mid ka mid ah saraakiishii booliska ee saldhigaa ku sugnaa ka dibna ay quraarado holcaya oo gaas uu ku jiro ay ku tureen askartii kale, ka hor inta aan la toogan.
Isagoo shirjaraa’id qabanayay wax yar ka dib markii uu weerarku dhacay ayaa Taliyaha Guud ee Ciidamada ee Mombasa, Patterson Maelo, waxa uu u sheegay wariyeyaasha saddexda dumarka ah ay qiyaameeyeen Ciidamada iyagoo isa soo dhigay haween laga dhacay taleefanada gacanta oo doonayay in dacwad oobiga saldhigga ka qortaan.
Waxa uu sheegay in markii guddaha ay galeen ay sadexdaasi haweenka ah, mid ka mid ah middi ku weerartay askarigii fadhiday Oobiga saldhiga, halka labadii kalena ay quraarado uu gaas ka buuxo ay ku weerareen saldhiga.
Laba ka mid ah haweenkii weerarka geystay ayaa la sheegay in boolisku ay ku toogteen dabaqa hoose halka mid ka mid ah ay u gudubtay dabaqa labaad oo ay halkaa ku toogteen.
Magaalada Mumbasa oo ah magaalo ay ku noolyihiin Muslimiinta ugu badan gobolka xeebta ee Kiiniya ayaa bar tilmaameed u aheyd sannado dhowaa kooxo mintidiin ah oo ka cadheysan gacanta adag ee ciidamada Kiiniya ay kula macaamilaan dadka Muslimiinta ee Gobolka.
Weeraro hore uga dhacay magaalada waxaa sheegtay – ururka al-Shabab faraciisa Kiiniya.
Al-shabab ayaa ka dambeeysay weerarkii lagu qaaday suuqa Westgate ee Magaalada Nayroobi ee ay ku dhinteen 67 qof sannadii 2013kii iyo weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kiiniya ee 2015kii ee lagu dillay 148 qof oo arday u badnaa.
Sidoo kale waxey mintidiinta lala xidhiidhinayo Al-Shabab ay ku dileen gobolka xeebta ee Lamu weeraro kala duwan oo ay ka geysteen sannadkii 2014kii dad ka badan 100 qof.