Boqorka Sacuudiga ayaa Faisal bin Farhan u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda ee sucuudiga

Boqorka Sacuudiga boqor Salmaan ayaa waxa uu maalintii shalay ahayd u magacaabay Amiir Faisal bin Farhan Al Saud inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada.

Magacaabistan ayaa waxaa soo wariyey wakaaladda rasmiga ah ee Saxaafadda Sacuudiga, oo soo xigatey amar boqornimo.

Wasiirka la magacaabay ayaa wuxuu lasoo shaqeeyey bilihii ugu dambeeyay safiirka Sucuudiga u fadhiya Jarmalka sidoo kalena waxa uu ahaa  lataliyaha hore oo dhanka siyaasada ee safaarada Washington.

Wasiirka cusub ayaa xilka kala wareegay Ibrahim al-Assaf, oo loo magacaabay wasiiru dowlaha. Wasiirkii hore ee shaqada ka tagay ayaa bedelay Adel al-Jubeir.

Magacaabistiisa ayaa waxaa si weyn loogu arkaa dadaal lagu wanaajinayo sumcadda boqortooyada kadib qalalaasaha ka dhashay dilkii wariye Jamal Khashoggi iyo indho-indheyntii dagaalkii dheeraa ee Yemen ka socday.

Waxa aan kasoo xiganay warbaahinta caalamka.

 

Bandhige@gmail.com