Wasiiro ka Qayb galay Aas Qaran oo Loo Sameeyay Laba Sarkaal oo Maalintii Shalay Shil Baabuur ku Geeriyooday

Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Horumarinta Biyaha, Wasiir xigeenka Qorshaynta, Masuuliyiinta Dawlada Hoose Hargeysa iyo Gobolka Maroodijeex, Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Laba Sarkaal oo ka tirsan ciidanka Dab-demiska oo maalintii shalay ku geeriyooday shil Gaadiid oo ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiintan ayaa Marxuumiintaa ilaahay uga baryay in Jannooyinkiisii ugu deeqo, dhammaan Ehelkii, Asxaabtii, Qaraabadii, Qoyskii, Ciidamada Qaranka gaar ahaan Ciidanka Dab-demiska iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeenba Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay ka siiyo.