Cabsida Covid_19 Wax Ma Ka Beddeli kartaa Wakhtigii La Qaadi Jiray Imtixaannaadka Dugsiga Dalka?

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, Daaโ€™uud Axmed Faarax (Daaโ€™uud Gadh-weyne) ayaa ka jawaabay suโ€™aal laga waydiiyey inay wax iska beddeleen Wakhtigii la qaadi jiray Imtixaanaadka Qaranka, maaddaama oo Cabsida Xanuunka Covid_19 awgeed loo fasaxay Ardayda.

Daaโ€™uud Axmed Faarax wuxuu sheegay in Qorshahoodu ahaa in Imtixaanaadka Dugsiga Dalka la qaado badhtamaha bisha June, balse illaa hadda aan Qaran ahaan goโ€™aan laga gaadhin in dib loo dhigayo Imtixaanaadka dugsiga Dalka iyo in kale.

Guddoomiye Gadh-weyne oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhiย  โ€œWaxay ahayd in imtixaanka la qaado Bisha June dhexdeeda, laakiin waatan amuur Ilaahay timid (Covid_19), amuurtaasi inay wax ka beddeli iyo in kale weli goโ€™aan lagama gaadhin, laakiin ugu dambaynta waxa goโ€™aan ka soo saari doona Wasiirka Waxbarashada, Guddiga ka hor-tagga Covid_19, Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynaha, Imtixaankii in wakhtigiisii la qaadi, in la joojin, in dib loo dhigi, Goโ€™aankaa Qaranka ayaynu ka sugaynaa, laakiin annaga Xafiis Imtixaanaad ahaan Jadwalkayagu waa halkiisii.โ€

Guddoomiye Daaโ€™uud Axmed Faarax ayaa sidaa u sheegay Telefiishanka Sahan oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay.