Cameroon oo mamnuucday ka hadalka caafimaadka madaxweynaha 91-jirka ah

Cameroon ayaa mamnuucday dood kasta oo ku saabsan caafimaadka madaxweynaha dalkaas Paul Biya oo 91 jir ah, isla markaana caafimaadkiisa arrimo badani ku gedaaman yihiin, sidaas oo kale maqnaanshiisuna uu dheeraaday.  Warqad ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in la mamnuucay ka hadalka iyo doodaha arrimaha caafimaadka madaxweynaha. Maqnaanshiyaha Biya ee daba dheeraaday ayaa sii hurisay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya inuu xanuunsan yahay.

Horraantii toddobaadkan, mas’uuliyiinta dalkaasi waxay soo saareen hadallo sheegaya in madaxweynuhu uu booqasho gaar ah ku tagay Geneva oo uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, iyaga oo meesha ka saaray wararka sheegaya inuu xanuunsaday ku tilmaamay male-awaal.

Waraaqda loo diray gudoomiyaasha gobollada ee ku taariikhaysan 9-ka Oktoobar, ayuu wasiirka arrimaha gudaha Paul Atanga Nji ku sheegay in ka hadalka caafimaadka madaxweynaha ay tahay arrin ku saabsan amniga qaranka.

Hadda wixii ka dambeeya, “Dood kasta oo ka dhaca warbaahinta oo ku saabsan xaaladda madaxweynaha waa mamnuuc. Dembiilayaasha waxay wajihi doonaan sharciga oo dhan,” ayuu yidhi Nji.

Wuxuu ku amray gudoomiyaasha gobolada in ay sameeyaan cutubyo lagula soconayo wararka laga sii daayo baraha warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale baraha bulshada.

Wadankan Kookaha iyo saliida soo saara ee Cameroon, ayaa waxa soo maray laba madaxweyne oo keliya tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska iyo Ingiriiska horaantii 1960-meeyadii, waxay u badan tahay inay wajahdo qalalaase isku xigxiga haddii Biya uu aad u xanuunsado oo uu dhinto ama uu xafiiska ku sii nagaan kari waayo.

Madaxa warbaahinta Cameroon iyo golaha Isgaadhsiinta Qaranka, ayaanan laga heli karin faallooyin.

Talaabadan ayaa la kulantay dhaleecayn  xoog leh.”Madaxweynaha waxaa doorta dadka reer Cameroon, waana wax iska caadi ah inay ka welwelaan halka uu ku sugan yahay,” ayuu yidhi Hycenth Chia, oo ah wariye fadhigeedu yahay Yaounde isla markaana ah daadihiyaha barnaamijka hadalka ee talefishinka Canal2 International.

“Waxaan aragnaa wadahadallo xor ah oo ku saabsan caafimaadka Joe Biden iyo hoggaamiyeyaasha kale ee adduunka, laakiin halkan waa mamnuuc,” ayuu u sheegay Reuters.

Kooxda u doodda xorriyadda saxaafadda ee Guddiga Ilaalinta Saxafiyiinta ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay.

“In la isku dayo in lagu qariyo amniga qaranka arrin weyn oo muhiim u ah qaranka waa wax laga xumaado,” ayay tidhi Angela Quintal, oo ah madaxa barnaamijka Afrika ee CPJ.

Biya laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii uu ka qeyb galay shirkii Shiinaha iyo Afrika ee Beijing horaantii Sebtembar. Ka dib markii uu ku guuldarraystay inuu ka soo muuqdo sidii loo qorsheeyay shir-madaxeedkii Faransiiska ee todobaadkii hore ayaa sii kiciyay dood dadweyne oo ku saabsan caafimaadkiisa.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com