Gabadha awoodda badan ee Kuuriyada Waqooyi oo digniin u dirtay Kuuriyada Koonfureed

Kim Yo Jong, oo ah gabadh ay walaalaha yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Sabtidii uga digtay Kuuriyada Koofureed musiibo aad u xun haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee koofurta oo dul heehaabaya.

Hadalka Kim Yo Jong ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed oo sitay waraaqo borobogaando ah oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi laga helay hawada Pyongyang habeenkii Arbacadii iyo Khamiistii iyo sidoo kale 3-dii Oktoobar.

Gabadhan oo loogu yeedho gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihi ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan “dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan ” si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed.

Waxay kala oo sheegeen in taasi ay sameyn doonaan digniin la’aan haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed mar kale lagu arko dalkeeda.

Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aanay xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com