Mudane Guurtida ka tirsan oo Bulshada ugu Baaqay inay ka Faa’ideystaan Biyaha Roobka

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay ahmiyadda qabashada Biyaha Roobku u lee yihiin Bulshadda.

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa bulshada reer Somaliland usoo jeediyey in ay qabsadaan Biyaha roobka,ugana faa’iidaystaan,iyada oo la samaynaayo Biyo xidheeno la samaysto iyo in Bulshadda lagu wacyigeliyo sidii Biyo Roobaadka u qabsan lahaayeen,una samaysan lahaayeen Majarooro ay Biyahaas ku qabsadaan, si ay uga faa’iidaystaan xilliyadda aanu roobku jirin.

Dhinaca kalena,Xildhibaan Jirde Siciid waxa uu xukuumadda iyo hay’addaha kala shaqeeya hawlaha Biyo Balaadhinta ee Dalka ku bogaadiyey Dhaamamka waa weyn iyo Ceel biyoodyada kala duwan ee Wadanka ay ka hirgeliyeen.

Gebo-gabadiina,Xildhibaan Jire Siciid waxa uu Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Magaaladda Hargeysa uu ka dalbaday in Gaadiidka Booyadaha ah ee ka hawlgala Magaaladda Hargeysa u sameeyaan xarun ay Biyaha ka soo dhaamiyaan una dhow agagaarka Caasimadda, si qarashka Biyaha Booyaduhu dhaamiyaan hoos loogu dhigo,si ay Bulshadda danyarta ahi u helaan Biyo Qiimahoodu jaban yihiin,isla markaasna, lagu yareeyo jilalka Gaadiidka Booyaduhu Sababaan.

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud ayaa rejo fiican ka muujiyey mashruuca Biyo balaadhinta Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyada oo ay biyuhu gaadheen qaar ka mid ah xaafaddaha Magaaladda Hargeysa.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com