Wasiirka Dastuurka oo soo Bandhigey Qodobo Muhiim u ah in Markale Dib loo Doorto Madaxweynaha Qaranka

Qore Khadar M . Xaashi

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka JSL, Mudane Cabdinaasir Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa sheegay inay xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan ay dhisayaan murashaxa madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo u sharaxan muda xileedkiisi dastuuriga ahaa.

Sidoo kale waxa uu xusay in waxa bulshadu markale u go’aansadeen in ay dhisaan madaxweynaha Qaranka ay tahay, midnimada bulshada, difaaca Qarannimada, iyo wixii ay bulshadu uga codeysay murashixi madaxweyne ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Geesta kale waxa uu dowladda Itoobiya uga mahadnaqay sida ay ugu dhiiratay inay Somaliland aqoonsato, waxaanu hoosta ka xariiqay in Somaliland, ay abaalkaasi u hayso.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland maalmo kadib noqon doono madaxweynihii ugu horeeyay ee jagada madaxtinimada JSL, laba jeer loo dhaariyay, waxaanu bulshada ugu baaqay inay nabadgelyadooda ilaashadaan, waxa uu intaas ku daray in asxaabta Qaranka waxan tartan ahayni aanu ka dhaxeyn

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bnadhige@gmail.com