Xukuumadda JSL oo Shaaca ka Qaaday xilliga la Qabanayo Bandhiga Carwada Kalluunka Dalka

Qore: Cabdiwahab Dahir xasan

 

Hargaysa, (Dawan) Wasaarada Kaluumaysiga iyo horumarinta xeebaha Somaliland  ayaa si rasmi ah u shaacisay in laqaban doono Carwada Kaluumaysiga, taas oo ay ka soo qayb galidoonaan dhamaanba ganacsatada Kaluumaysiga

Agaasimaha  waaxda Kaluumaysiga ee wasaaradda horumarinta Kaluumaysiga iyo xeebaha Somaliland Ismaacii Nuur Faarax ayaa ka hadlay wakhtiga rasmiya ah ee la qabanayo bandhiga carwada Kalluumeysiga dalka.

Waxaanu yidhi “Carwadu waxay ka dhacaysaa hoolka haayada Shaqaalaha,waxay soconaysaa mudo laba cisho ah oo ka bilaabmaysaa 14 ilaa 15 ka Bishan tobnaad, qorshaha wasaaraduna waxa weeyi in la baro dadka Kaluunka, si xadi badan oo kaluun ah looga iibsado ganacsatada kaluunka, is lamarkaana dhaqaalahoodu oo kor u kaco.”

Gaba-gabadii Carwadan lagu soo bandhigi doono Kalluunka ayaa sanadkiiba ah mid sanadkii ba hal mar laqabto, sidoo kalena lagu soo bandhigo khayraadka kala duwan ee ku duugan xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Kaluunka.

Wasaarada Horumarinta Kaluumaysiga iy xeebaha ayaa dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa  iyo guud ahaan reer Somaliland ugu baaqay in ay ka qayb qaataan isla markaana yimaadaan goobta lagu qabanyo carwada Kaluumaysiga waxa ay sidoo kale wasaaradu bulshada u sheegtay kaluun daray ah sidoo kalena jaban.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com