Ciidamada Dalka Itoobiya ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Suudaan ku leeyihiin meel u dhaw xuduudka labada dal

Cidamada dalka Itoobiya ayaa Axadda shalay gelinkeedii dambe weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Suudaan ku leeyihiin gobalka Qadaarif oo aan ka fogeyn xuduudka labada dal.

Weriye ka tirsan talefishanka Russia today ayaa ilo milateri ka soo xigtay in weerarkaas uu ku dhaawacmay hal askari oo Suudaani ah, dhismayaal saldhigga milateri ku yaalayna ay gubteen.

 

Dabayaaqadii bishii Meey 2020 ayaa ay xiisad ka dhex bilaabatay Itoobiya iyo Suudaan, kaddib markii uu isku dhac hubaysani dhex maray ciidamada Suudaan iyo kooxo hubaysan oo Itoobiyaan ah, kuwaas  oo ay Suudaan sheegtay in ay ciidamada Itoobiya taageerayeen.

 

War ay soo saareen ciidamada Suudaan ayaa ay ku sheegeen in xaaladda xuduudku hadda deggen tahay, amarrada tallaabooyinka ay tahay in ay qaadaanna ay ka sugayaan taliskooda.

 

Xiisaddan colaadeed ayaa ku soo beegantay xilli uu raysalwasaaraha Itoobiya ee ku guulaystay biladda caalamiga ah ee nabadda ‘Nobel Peace Prize’ sheegayo in uu dadaal ugu jiro sidii nabad iyo iskaashi xooggani uga hirgeli lahaa dalalka Geeska Afrika.

 

Dhinaca kalana waxaa maalmihii u dambeeyey cirka isku sii sharreerayey khilaafka biyo xidheenka ay Itoobiya ka xidhayso webiga Niilka oo laga cabsi qabo in ay isku dhac milateri ka dhex abuurto Itoobiya iyo Masar.

Bandhige@gmail.com