Indhaha iyo Aragtida (Eyes and sight): Ereybixinta Sayniska Ee Afka Soomaaliga! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Indhaha iyo Aragtida (Eyes and sight): Ereybixinta Sayniska Ee Afka Soomaaliga!

 

Indhuhu waxa ku ay jiraan daloolka isha oo madaxa ku yaalla. Indhaha waxa laga helaa ilays-ogaadeyaal u dareen badan ilayska. Ilaysku waa nooc tamarta ka mid ah oo sababa dareenka aragga.

 

Ishu waxay ka kooban tahay dhismeyaashan:

โ€ข Il-cad (Sclera): Waa dhisme adag, caddaan ah oo ku daboolan isha. Qaybta ugu korraysa il-cadka waxa la yidhaahdaa il-xaydh (cornea), waxaanay ilayska u u fududaysaa in uu u gudbo gudaha isha.

 

โ€ข Jalladda/xuub xabeedka isha (Conjunctiva): Waa xuub gudeed ku taxan gudaha daboolka isha (eyelid) iyo xagga hore ee xaydha isha. Waxa uu ku taxan yahay xuubka Koorniyaha.

 

โ€ข Bikaacada (Lens): Bikaacadu waa dhisme ilays-gudbiye ah oo ay meesheeda ku xejiyaan miiqyo wareegsan oo la yidhaahdo seedaha lusha (suspensory ligament). ย Bikaacada ishu waa dhisme debecsan oo qaabkeedu is-beddelo

 

โ€ข Kurux (Iris): Waa nud laga helo xagga hore ee bikaacada, waana ta midabka isha ka dhigta bunniga ama buluugga

 

โ€ข Wiilka (Pupil): ย Wiilku waa dalool ku yaalla badhtamaha kuruxda, waxaanu oggolaadaa in ilaysku galo qaybaha isha. Midabka wiilku waa madaw, waayo ilayska isha gala waxa nuuga midabeeye madaw oo laga helo lakabka kooraydh

 

โ€ข Lakabka Kooraydh (Coroid layer): Lakabkan waxa ku jira dhuumaha dhiigga, waxaanu ku taxan yahay inta dhexeysa arag-sugaha iyo kuruxda. Xagga hore ee kubbadda isha, waxa uu ka sameeyaa kuruxda iyo jidhka ganleyda

 

โ€ข ย Jidhka Ganleyda (Ciliary body): Jidhka ganleydu waxa uu soo saaraa biyoolay dareere ah oo laga helo xagga hore ee isha

 

โ€ข Muudka Aragga (Vitreous humour): Waa dareere laga helo xagga dambe ee bikaacada.

 

โ€ข Arag-suge (Retiina): waxa ku jira kumannaan unug oo u fal-celiya ilayska

 

โ€ข Dareen-wadaha aragga (Optic nerve): Gujada dareenka ayuu maskaxda u gudbiyaa.

 

โ€ข Qanjidhada Ilmada (Tear glands): ย Waxa ay soo saaraan hoorka ilmada oo ay ku jiraan milan badhxan oo milix ah, oo ka kooban sodhiyam koloraaydh iyo soodhiyam haydarojiinn kaarboonayt. Hoorkani waxa uu ku fidaa oogada isha, waxaana faafiya il-xidhista iyo il-furista. Oogada indhaha ayuu ka dhigaa mid qoyan, waxaanu maydhaa boodhka iyo walxaha shisheeyaha ah

 

โ€ข Laysosaaym (Lyzozyme): Waa insaaym laga helo hoorka ilmada oo jidhka ka diffaaca ili-ma-aragtayga.

โ€ข

Aragtida (Vision)

Bani-aadanku waxa ay awood u leeyihiin inay wax arkaan iyaga oo labada indhood adeegsanaya, waxaana tan loo yaqaannaa aragtida laba-indhoodka ah (binocular vision).

Ilayska ka soo noqda walaxda la arkayo waxa kala jebiya il-xaydhka, muudka aragtida iyo hoorka biyoolayda ah. Bikaacada ayaa se samaysa diirad-saaridda ugu dambaysa

 

Hummaagga walaxdu waxa uu ku samaysmaa arag-sugaha, waxaana gujooyin dareen loo gudbiyaa maskaxda, waxa qaada dareen-wadaha aragga. Maskaxda ayaa ย hal-tebisa/turjunta hummaagga, iyada oo adeegsanaysa aqoonteedii hore iyo waayo-aragnimada. Waxa ay maskaxdu cabbirtaa fogaanta runta ah ee walaxda, waxaanay kala rogtaa muuqa walaxda oo soo gaadha isaga oo foorara.

 

Arag-sugaha/Retiinaha (Retina)

 

 

Unugyada u dareenka badan ilayska waxa laga helaa arag-sugaha, waxaana loo qaybiyaa laba jaad:

A. Toobinka (Cones) iyo

B. Ulaha (Rods)

 

Toobinnadu (Cones): ย Toobinnadu waxa ay kala saaraan midabbada. Unugyada toobinku waxa ay ka jawaabaan midabbada aasaasiga ah ee guduudka/casaanka, cagaarka (akhtarka) iyo buluugga. Haddii ay saddexdaas midab si is-leโ€™g ugu muuqdaan toobinka, waxa la arkaa muuqaal ah caddaan.

 

Unugyada toobinku waxa ay ku ribban yihiin qaybta dhexe ee retiinaha oo la yidhaahdo foofiyaha (fovea). Marka aad doonayso in aad walax indha-indhayso iyada oo kuu dhaw, waxa uu hummaaggu ku dhacaa/samaysmaa foofiyaha..

 

Ulaha (Rod): Uluhu waxa ay sida ugu wanaagsan u shaqeeyaan habeenka iyo xilliga uu ilaysku yar yahay.

 

Maamulka Xaddiga Ilayska (Control of Light Intensity)

Xaddiga ilayska ah ee gelaya isha waxa lagu jaangooyaa beddelka cabbirka wiilka. Weynaynta iyo yaraynyta wiilku waa fal is-maamule ah (aan iraadi ahayn) oo aanu qofku iskii u joojin karin. Waxaana ka qayb-qaata dalool muruqyalay ah oo laga helo il-yareeyaha. Indhaha waxa laga helaa lix nooc oo muruqyo ah, waa kuwa oggolaada in ay indhuhu u dhaqaaqaan kor, hoos iyo dhinacyada.

.

Haddii xaddiga ilaysku badan yahay, muruqyada ku jira kuruxda ayaa urura, sidaas awgeed waxa yaraada cabbirka wiilka. Haddii uu badan yahay ilayska isha gelayaa waxa uu dhaawac u geysan karaa arag-sugaha.

Haddii xaddiga ilaysku yar yahay, muruqyada ku jira kuruxda ayaa kala baxa, sidaas awgeed waxa ballaadha cabbirka wiilka. Haddii uu yar yahay ilayska isha gelayaa, waxa aan si fiican wax u arki karin unugyada ilayska dareema ee arag-sugaha. Waa in la kordhiyo cabbirka wiilka.

Diyaarintii Siciid Maxamuud Gahayr