Taariikh nololeedka Cismaan-Hindi oo maanta ku geeriyooday Ingiriiska

 

Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo ahaa siyaasi caan ah oo mar ahaan jiray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodi-jeex, mar kalena ahaa Guddoomiyihii Ololaha Doorashada ee Xisbigii UDUB doorashadii 2010, ayaa maanta ku geeriyooday carriga Ingiriiska.

Cismaan wuxu sidoo kale ahaa mulkiilaha huteelka caanka ah ee Crown ee magaalada Hargeysa.

Sida uu baahiyey Maxamed Cabdi Xasan “Diridhaba” oo uu marxuumku abti u ahaa, Cismaan wuxuu dhashay sannadkii 1958 kii, wuxuu ku dhashay magaaladda Jigjiga oo Aabahii ka ahaa ganacsade.

Balse yaraantiisii wuxuu ku barbaaray magaaladda Hargeysa, wuxuuna dugsigiisii sare ka dhamaystay Faarax Oomaar iyo Dugsiga Sheekh oo markii danbe u wareegay.

1978 kii ayuu waxbarasho sare u tagay dalka Sweden oo uu ka qaatay shahaadada Master jaamacadda Lund ee dalka Sweden.

1984 kii wuxuu ka furay dalka Sweden xafiiskii ugu horeeyay ee ururka SNM ku yeesho Stockholm dalka Sweden.

Sannadkii 1991 kiina dalka ayuu dib ugu soo noqday, 1993 kiina wuxuu ka mid ahaa ergooyinkii ka qayb gallay shirkii Boorama ee qaaradda Yurub.

Sannadkii 2001 dii ayey magaaladda London ku kulmeen Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ka dib markii madaxweyne Cigaal geeriyooday, waxaana guriga Abtigay Cismaan ku lahaa degmadda Rayners Lane ee London lagu dhisay fekerka xisbiga Kulmiye oo markii danbe Hargeysa lagaga dhawaaqay.

Intii u dhexaysay 2002 ilaa 2007 dii wuxuu ka mid ahaa madaxda xisbiga Kulmiye isagoo noqday guddoomiyahii xisbiga ee gobolka Hargeysa, xubin guddida fullinta iyo golaha dhexe.

Sannadkii 2007 dii ayey siyaasadda ku kala aragti duwanaadeen guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuuna sannadkaasina ku biiray xisbigii xukuumadda hayay ee UDUB OO uu ka mid noqday madaxda ugu saraysa, wuxuuna noqday madaxii ololaha doorashada xisbiga UDUB.

Markii xisbiga UDUB saaxadda ka baxay Abtigay wuxuu go’aansaday inuu siyaasadda dibadda ka joogo.

Wuxuuna qayb ka noqday dibu dhiska dalka isagoo ka hirgaliyay Somaliland shariikado ganacsi.

Wuxuu ahaa abtigay intaan abtiyo leeyahay kaanu iskugu dhawayn, umana malaynayo qof yaqaanay oo ka gayoonayay dabeecadiisii wanaagsanayd.

Wuxuu abtigay ifka kaga tagay xaaskiisa Hinda Cabdi Muuse iyo laba wiil Sharmarke iyo Guuleed.

Bahda Bandhige waxay tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaan qoyskii iyo qaraabadii uu Cismaan Cabdillaahi Cigaal ka baxay.

Bandhige@gmail.com