Dawladda Hoose ee Berberi waxay tirakoobtay dadka baahiyaha gaarka ah qaba 

 

Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan ( Cidin ) ayaa
sheegay inay diiwangelin ku sameeyeen dhammaan dadka baahiyaha gaarka ah qabba, sida dadka dhimirka, naafada, dhagoolayaasha iyo indhoolayaasha isla markaana ay sitoosa wax ugu qaban doonaan degmo ahaan .

Waxaa uu intaasi ku daray inay dawlada hoose ee degmada Berbera diiwangelisay dad ku dhow 300 ruux oo baahiyo kala duwan la tabaalaysan .

Dadka waalan / ama maskada wax ka qabba (Dhimirka) 162 qof
Dadka naafada ah 98 qof
Dadka araga naafada ka ah 23 Qof
Dadka maqalka naafada ka ah 14 qof

Saddex bilood ka hor ayey dawlada hoose ee degmada Berbera tiro koob ku samaysay dadkani sida uu shaaca ka qaaday duqa degmadaasi Cabdishaluur Cidin .

“Maadama aanu lacagtii umada aanh hayno waa khasab inaanu wax uqabano dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ee naafada ah, ee degmada Berbera”Ayuu yidhi Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin.

Xigasho: Wargeyska Dawan.

bandhige@gmail.com