Sannadkan sii galbanaya, hadal hayn aad u badan aya ka jirtay dhanka fanka gaar ahaan heesaha, taas oo dadka fanka jecel iyo fan durayaashu ay baraha bulshada isu marinayeen doodo iyo hadalo uu midba mid kale ku durayo. Muddo aan badnayn fannaanin dhawr ayaa ku dhawaaqay inay fanka ka baxeen waa sida ay iyagu sheegeene, waxaana ugu caansan labada fannaan ee kale ah Maxamed Siciid Bk iyo Cabdihani Xaashi. Saaka goor hose Abwaan Xasan Daahir Weedhsame ayaa soo qorey maqaal uu ku caddaynayo in qaar saxaabada ka mid ah oo axaadiis badan soo wariyay ay heesaha dhagaysan jireen isla markaana ay garaacan jireen qalabka Muusiga iyo waliba inay dadka bari jireen heesaha iyo sida loo garaaco qalabkaas.
Sida in badan la caddeeyay Heesuhu waa arrin ay culimada waawayn ee islaamku isku khilaafeen, keliya wadaadada Soomaalida siiba Wahaabiyada ayuunbaa hadal haya oo dunida kale ee muslimka ah muddo hore ayaa ugu dambaysay ka hadalkooda. Haddaba maal mahan Fannaan hore, Maxamed Siciid Bk iyo koox salafiyiin ah ayaa kasoo muuqday madal ay ugu magac dareen kulan diimeed. Madasha waxa laga jeediyay hadalo kala geddisan, Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa ku dooday in aanu isagu marna ku jirin fanka ee bannaaka ka ahaa, maalin kale ayuu qabtay shir uu kusii adkaysanayo in aanu weligii fanka meelna kaga jirin. Fahan darro iyo is diidsiin waxa ka tahay mooyaane Abwaanku sidaas ayuu ku dooday.
Magaalada Boorama, waxa lagu qabanaya kulan kale oo uu kasoo muuqdo fannaan hore Maxamed Siciid Bk, taas oo hadalka uu jedinayo ciwaan looga dhigey “Dhibaatada Fanka” waxa is wayddiin leh sidee ayuu fanku dhibaato u leeyahay, mise waxa iskaga khaldan fahnka iyo heesaha. Heesuhu waa qayb fanka ka mid ah, si fudud waxa aynu odhan karnaa fanku qaabka ugu wanaagsan ee wax loo soo bandhigo, fanka waxa ka mid ah, suugaanta oo laamo badan leh sida, maanso, gabay, buraanbur, Geeraar iyo heesaha. Fanka waxa kale oo ma mid ah sheekooyinka, riwaayadaha, ciyaaraha iyo farshaxanka oo noqonaya aslidda iyo sawiridda. Saas ageed Abwaanku waxa uu leeyahay dhawr heesood oo qaarkood uu qaaday Maxamed Bk iyo Fu’aad Cumar Yare.
Waxa habboon in la kala saaro Edab darrada Fannaaninta iyo fanka amma heesaha, fannaanintu asal ahaa iyaga aya marka hore ah dad arrimo nafsi ah hayaan walow ay jiraan qaar wanaagsan ee dhaqan iyo edab leh, taasi macnaheedu maaha in heesuhu yihiin waxa xumaanta iyo edab darrada kugu riixaya, bal dib u milicso fannaanintii hore sida hobaladii waaberi, waxa ay ahaayeen dad wada dhaqan iyo adab oo ah hooyooyin iyo aabboyaal ah.
Fahan darrada fanka laga qaatay waxa ay luminaysaa jiritaanka ummadan iyo waxa ay dhaqan u leeyihiin oo fah aad u sarreeya kaas oo qayb wayn nolosha ka ah, maxaa aynu nahay haddii aynu fanka iska dayno walow aanay suuro galba ahayn. Si kastaba fanku waa u adeegaha bulshada, fan la’aani waxa ay ka dhigantan tahay nolol la’aan. cid kasta oo fanka fahansan waxa loogu baaqayaa in dadka la fahansiiyo qiimaha fanka iyo muhiimadda wayn ee uu innoo leeyahay.
Fanaanku waa jilaha iyo soo bandhigaha fanka oo qurxiya qiimaha ummadnimo iyo waxa aynu gaar u leennahay ee aynu umadaha kale kaga duwannahay, adduunkan ballaadhan ma jirto umad aan fan lahayn iyo wax ay kaga duwantahay umadaha kale. Qiimaha fannaanka wananagsan iyo wax tarkiisa waxa aad looga dhex arkayaa Heeska aadka u qiimaha badan ee ay ku luuqayso fanaanad Hibo Nuura ee odhanaya;-
- Habeen iyo dharaar Hadalladaan dhisnaa
- Afkeenna hooyoo horumaraan ku haminnaa
- Hogaaminaa had jeer habnaa oo waan hagaajinnaa
- Ma hagrannee waanu u hawl galnaa
- Murtidaan hurinaa kala hufnaa
- Dadwaynahaan Hannuunina
- Haasaawinaa danta u hagnaa
- Taarrikhda hiddahaan Habaaska ka tirnaa
- Hannaankii aan kusoo dhaqmayn Baanu u hiilinaa
- Lama huraaan hillinka toosanbaa dhallinta hor galnaa
- Ma hagranne waanu u hawl galnaa.
Fannaanka xumi, xumaantiisa Eebbe ha uga toobad keeno, laakiin yaanu marmarsiyo ka dhigan fanka amma heesaha ayaa xumaanta iigu wacan, dadka fanka duraya ee innoo soo waaridaya dhaqaanno carbeedka iyo dhaqan galbeedka iyaguna dib ha isugu noqdaan. Dalka sucuudiga hadda baarar sida kuwa Baariis oo kale ah aya ka furan adigana wuxuu ku leeyahay waxaasi waa dhaqan xumo. Bulshooyinka kale ee muslimka ah wadaadkoodu waxa uu la nool yahay iyaga masaajidkana wuu uga khudbadeeyaa habeenkii meherada ayuu kula caweeyaa.
Wixii ka horreeyay burburka Dawladddii dhexe ee Soomaaliya, carabtu waxa saamayn ah umadda kumay lahayn, nasiib xumo burburka ka dib waxa isku dhex qasmay dhaqankeenna suubban iyo dhaqan carbeedka kaas oo wadaadadu diin innooga dhigayaan, diintu waxa ay la jaanqaaddaa, duruufta iyo deegaanka lagu nool yahay, saas ageed wax sucuudiga dhexdiisa xumaan looga arko ayaan halkan xumaan ka ahayn saas awgeed ma jirto sabab laynnoo dhaho waxaas waa xumaan oo sucuudigaba waa la mamnuucay.
Ugu dambeyn, innaga oo aan diinta ka tagayn waxa innagu waajib ah ilaalinta iyo sarraysiinta fanka, waxa habboon in la qabto kullanno bulshada loogu sheegayo qiimaha uu fanku u leeyahay nolosha iyo dhaqanka. Sidoo kale wadaadadu yaanay illoobin Soomaalinimada iyo dhaqanka ay kusoo koreen ee lagaga baddalay iskuullada wahaabiyada iyo carabta. Jiritaankeenna umadnimo waxa ku jiraa ilaalinta fanka oo ah isha ay kasoo burqanayaan xikmadda iyo suugaanta cudddoon ee aynu dheernahay umadaha kale. Nasiib darro suugaanta quluubta gilgisa ee Abwaan Hadraawi inta la turjumay ayaa jaamacadaha Ingiriiska lagu falanqeeya, innagu waxa aynu rabnaa in aynu fanka xumaan iyo dhibaato ku sheegno.
W/Q: Mukhtaar Axmed.