Soomaalilaan waxa ay isha ku haysay dacwaddii ay Soomaaliya ka gudbisay Kiiniya ee sababtiisu ahayd safarkii uu madaxweyne Biixi ku tegay Kiiniya. Khilaafka Soomaaliya iyo Kiiniya wuxuu soo maray heer kala duwan. Waxa se ugu khatarsanayd markii ay 16 bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 markii ay ciidamada Kiiniya codsi laโaan xuduuda ay ka soo gudbeen ee gudaha Soomaaliya soo galeen, iyaga ku andacoonaya inay kooxda Al-Shabaab kula dagaalamayaan gudaha Soomaaliya. Maadama oo ay khatar ku yihiin amniga Kiiniya. Wakhtigaasi waxa dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, wax xidhiidh ah umuu jarin Kiiniya, inkasta oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku gacansaydhay soo gelintaanka amar laโaanta ah. Farmaajo se wuxuu xidhiidhkii ugu jaray casuumadii iyo booqashadii uu madaxweyne Biixi ku tegay Kiiniya, waana nacayb uu u hayo Soomaalilaan, sidii uu adeerkii Siyaad Barre u necbaa SNM.
= Heshiis Dhexmar Farmaajo iyo Uhuuru
Waxa la filayey in shirka lagu heshiisiiyo labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kiiniya, oo weliba uu tanaasulo Farmaajo isaga oo ku beddelanaya in Kiiniya ay joojiso xidhiidhka cusub ee ay la yeelatay Soomaalilaan sannadkan 2020. Tanaasulkaasi wuxuu shabbahayey kii uu Maxamed Siyaad Barre sameeyey horraantii sannadkii 1988 markii ay isugu yimaadeen Jabuuti Minguistu Xayla Maryam ee heshiisku dhexmaray. siyaad Barre qorshihiisu wuxuu ahaa, kow sidii SNM uu uga takhalusi lahaa, taa beddelkeeda uu uga tanaasuli lahaa sheegashada dhulka Soomaali Galbeed (Soomaalida Itoobiyada maanta).
Waxaanu Siyaad Barre gef ku tilmaamay dagaalkii 1977 uu ku qaaday Itoobiya ee khasaaraha badani ka dhashay. Markaa dantiisu ugu weyni waxa ay ahayd in Minguistu hubka ka dhigo SNM oo gudaha Soomaaliya lagu soo shubo, lagana joojiyo dhammaan wixii taageero ah. Minguistu laftiisu waxba muu dhaamin Siyaad Barre oo isna wuxuu cagaha kula jiray dagaalkii ay jabhdaha Tigreega iyo Eeratariya kula jireen maamulkiisa.
= Midnimada Soomaaliya
Waxa aad looga casbi qabay in war-murtiyaadka lagu soo daro kelmada lagu xaqiro jirtaanka Soomaalilaan oo dal ah, weedhaasi oo ah โMidnimada Soomaaliya waa muqadasโ. Taasina may dhicin oo waxa lagu beddelay kelmada kale oo ka asturan oo ah โ Wadahadalโ.
ย
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com