Donald Trump ayaa fayraska COVID 19 ku sheegay in uu ka baxsaday shaybaadh ku yaalla Shiinaha, laakiin hay’addiisa Sirdoonka ayaa ka soo horjeedsatay warkaas

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay sheegay in fayraska COVID 19 ee sida ba’an u saameeyey dunidu uu ka fakaday shaybaadh ku yaalla magaalada Wuhan ee ku talla badhtamaha Shiinaha.

Hase ahaatee Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegtay in aanay aaminsanayn warkaas, isla markaana wax caddayn ah oo loo hayaa aanay jirin.

Madaxweyne Trump oo weriyeyaashu weydiiyeen wuxu kaga jawaabayo warka ka soo baxya hay’addiisa sirdoonka ee warkiisa ku lidka ah ayaa sheegay in uu haysto caddayn isaga gooni u ah, sidaas daraadeedna aanu caddayn uga baahnayn hay’adda Sirdoonka. Muu faahfaahin waxa ay caddayntaasi tahay.

Trump ayaa hore ugu tilmaamay fayraska “Fayraska Shiinaha”, hase ahaatee sida wararku tibaaxeen shirkii G20 ee bishii 2aad ee sannadkan qabsoomay, ayaa laga odayeeyey in aan naanayso dawladuhu isga dhigin masiibadna ku habsatay dunida.

Waxa jiray warar u badan mu’amaraaddo ay dhinacyo kala duwani isku eedeeyaan halka uu asal ahaan ka soo bilaabmay fayraskani. Hase ahaatee culimada caafimaadka ee dunidu waxay u badan yihiin in uu yahay caabuq ka soo gudbay xayawaan, una soo gudbay bani’aadamka. Halkii ugu horaysay ee lagu arkayna waxay ahayd Wuhan oo ku taalla shiinaha.

Bandhige@gmail.com