Ergaygii hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga, ayaa geeriyooday. Wuxu ahaa wasiirka dastuurka iyo shuruucda ee Tanzania

Madaxweynaha Tanzania John Magufili ayaa subaxnimadan saaka ah ku dhawaaqay in uu geeriyooday Wasiirkii Dastuurka iyo Shuruucda, kaas oo horena u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Dr. Augustine Mahiga.

Dr. Mahiga ayaa sidoo kale wuxu hore u ahaan jiray Ergayga Gaarka ah Ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland.

Dr. Mahiga waxa ku soo booday xanuun isagoo jooga gurigiisa ku yaalla magaalo-madaxda Tanzania, Dodoma. Waxa markiiba loola cararay dhakhtarka, hase ahaatee isla markii uu dhakhtarka gaadhayba mayd buu ahaa.

Madaxweynaha Tanzania iyo madax badan oo adduunka ah ayaa tacsiyeeyey qoyska uu ka baxay Dr. Mahiga.

Bandhige@gmail.com