Donald Trump ayaa rasmiyan aqbalay in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada Maraykanka ka dhici doonto bisha kow iyo tobnaad ee sannadkan.
Hadal uu ka jeediyay shirweynaha xisbiga ee magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, ayaa Trump waxa uu ballan qaaday arrimo dhowr ah, waa haddii loo doorto madaxweynaha Maraykanka.
Trump ayaa sheegay in kala dambeynta uu ku soo celin doono Maraykanka isla markaana uu wax ka qaban doono soo galootiga sharci darrada ah iyo in uu danaha Maraykanka ka hor marin doono wax kastaa marka laga hadlayo siyaasadda dibedda ee Maraykanka.
Waxa uu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono soo galootiga sharci darrada ah, isaga oo sheegay in dadka muhaajiriinta ah hadda lagu sii dhex daayo shacabka Maraykanka iyaga oo aan la eegeynin amniga.
Trump ayaa aad u dhaliilay musharaxa xisbiga dimuquraadiga Hillary Clinton iyo madaxweyne Obama oo uu ku eedeeyay dhibaatooyinka ka jira dalalka Liibiya, Ciraaq iyo Suuriya.
Waxa uu isku tilmaamay in uu yahay shakhsiga u taagan dadka la iska illaabay ee Maraykanka.