Doon sidday 600 oo muhaajiriin ah ayaa ku degtay badda Medhiteraaniyaanka

 

Mashaqo weyn ayaa ka dhacday badda Medhiteraaniyaanka kadib markii dooni xambaarsanayd 600 ay quustay. Wararku waxay sheegayaan in ay markiiba qudh-baxeen 60, halka 150 la bedbeediyey tiradii kale oo ah intii ugu badnaydna la la’ yahay ayna u badan tahay in ay geeriyoodeen.

Arrintan ayaa dunida aad uga nixisay. Doonta waxa laga lahaa waddanka Masar. Mulkiilihii doonida iyo koox ma-gafeyaal ah oo dadka doonida ka kireeyey ayaa la taxaabay, waxaana durba la hor geeyey maxkamadda iyadoo lagu soo eedeeyey in ay ka ganacsanayeen dad nool noloshooda.

Doonida oo ka samaysnayd loox ayaa la sheegay in ay qaadday dad tiradoodu aad uga badan tahay intii ay awood ahaan qaadi karaysay. Maxamuud Cali ayaa ku jiray orod uu kolba cisbitaal ku tagayey. Wuxu raadinayey walaalkii oo 24-jir ah oo doonida saarnaa raq iyo ruux midka uu ku sugan yahay.

Boliiska Masar ayaa xaqiijiyey in dadka doonida saarnaa ay ka mid ahaayeen Soomaali iyo Suudaan.