Maraykanka: Magaalada Charlotte ayaa waxa lagu soo rogay xaalad dagdag ah

Guddoomiyaha gobolka waqooyiga Carolina ayaa ku dhawaaqay xaalad dagdag ah oo lagu soo rogay magaalada Charlotte iyada oo ay wali sii socoto daganaansho la’aanta ka dhalatay ninka madaw ah ay boolisku toogteen.

Rabshadahan ayaa habeenkii labaad socda kadib markii Keith Lamont Scott toogasho lagu dilay waxaana dilay Arbacadii booliis madaw ah.

Qof mudaaharaadayaasha ka mid ah ayay xaaladiisu liidataa kadib markii la sheegay “in shacabka dhexdoodu ay is toogteen”, sida ay maamulka magaaladu sheegeen.

Scott ayaa noqonaya ninkii saddexaad ee madaw ah ee ay booliis dilaan muddo todobaad ah, toogashooyinka sidan oo kale ah ayaana mudaaharaadyo waawayn sababay muddooyinkii dambe.

Booliiska magaalada Charlotte ayaa qiiqa dadka ka ilmaysiiya u isticmaalay boqolaal ruux oo mudaaharaad dhigayay, xafiiska booliiska ee deegaankaasi ayaa sheegay in ay dhaawacmeen afar askari.

Mar sii horaysayna Guddoomiyaha waqooyiga Caroline Pat McCrory ayaa sheegay in uu isagu “ka dambeeyay dadaalada” lagu isticmaalayo ilaalada qaranka iyo ilaalada wadooyinka waawayn si ay gacan uga gaystaan xakamaynta mudaaharaadka.

Wuxuu intaas ku daray in aan loo dul qaadan karin rabshado kale oo ku wajahan shacabka, booliiska ama hantida dadwaynaha.

Mudaaharaadayaashu waxay ka cadhaysan yihiin dilka Scott oo 43 jir ah oo ay booliisku dileen galinkii dambe ee Arbacadii kadib markii uu dhacay muran guryo la xidhiidha.

bandhige@gmail.com