Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q1aad (WQ: Xasan Cabdi Shire )

Waa qoraal taxane ah,  lasoco Qaaybtii koowaad.

  1. Sidee buu awooda kuyimi Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan?
    • Hordhac

Qoraalkan waxa ujeedkiisu yahay inaan idinla wadaago  xog kusaabsan waddanka Turkiga, gaar ahaan  kacaankii  aamusna ee waddankaas kadilaacay sannadihii ugu dambeeyay (silence revolutionary) kasoo loogu magacdaray iftiinkii iyo isbedeladii ku dhacay shacabka iyo siyaasadda Turkiga, kacankaas waxaa hormuud ka ahaa Xisbiga cadaaladda iyo horumarka (Justice and Development Party AK Party), xisbigaas waxa sameeyay madaxweeynaha waddanka Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan iyo ragkale oo qaarkood madaxweeyne iyo raaysal wasaare kasoo noqdeen Turkiga.

Isbedelada lataaban karro waxaaa ka mid ah  siyaasadda, dhaqaalaha, nabadda iyo ciidankaa waddankaas. Magacan, kacaanka qunyar socodka  ee Turkiga (silence revolutionary) waxaa looga jeeda,  isbarbardhiga  kacaanadii hore ee dunida kadhacay iyo kii Turkiga maasheeyay dhoowr iyo tobankii sanno ee ugu dambeeyay, kacaanadii hore ee dunidu caanka ku ahaayn  waxaay astaan u ahaan jirtay dagaalo, qaaylo iyo burbur marka lakicinayo kaligii-talis ama gumaayste curyaamiyay oo ragaadiyay waddan, lakiin waay kaduwantahay tani, waxaa Turkiga kadhacay isbedel saaameeyay cadaaladdii iyo maxkamadihii, siyaasaddii iyo ciidmadii, waxa laga takhalusay ugu yaraan kumanaan saraakiil ciidan ah oo aaminsanaa  fikraddii iyo siyaasaddii hore ee Turkiga gaar ahaan calmaaniyiintii iyo ciidamadii inqilaabka smeeynjiray,  kuwasoo baday shacabka Turkiga baahi iyo saboolnimada ragaadisay muddoyinkii u dhexeeyay 1921kii ilaa 2000, waxaa turkiga ka dhacay kacaan aan dhiig iyo burbur midna aan sababin.  Waxaan sigaar ah diirada u saari doona inaan isxasuusino  kana jawaabno sidee xukunka ku yimi madaxwaaynaha waddanka Turkiga ee Erdogan?  iyo jidkii dheeraa ee loosoo maray inuu dhasho isbedel togan oo waddankaasi hantiyay.

Kahor ubucda iyo gunta mawduucan intaanan guda-gelin, aan eegno xaggee ku yaala waddanka Turkiga?.

  • Dalka Turkiga xaggu ku yaalaa Juqraafi ahaan?

Dalka Turkiga wuxuu dhacaa Juquraafi ahaan Galbeedka Qaarada Asia,  waa dalka iyo jaranjarada isku xidha Aasiya iyo qaaradda Yurub. Xuduuda  xigta dhinaca Yurub  kana mid ah dhulka Turkiga waxaay  toos  xidhiidh ula leeday Yurub, waddanka Turkigu waxa  xuduud la wadaagaa illaa sideed wadan oo ku kala yaala qaaradaha Yurub iyo Aasiya, kuwaas kala ah  Azerbaijan, Syria, Iraq , Iran, Greece,  Bulgaria, Georgia, iyo Armenia. Waddanka Turkiga waxa uu lahaan jiray taariikh dheer oo Islaamka iyo dunida kale u dhexeeysay, lakiin 1921kii waxaa laga takhalusay boqortooyadii Ottoman Empair, burburkii boqortooyadaas waxaa kadambeeyay siyaasad qalafsan oo reer galbeed ku qaadeen Ottoman Emire iyagoo adeegsanaya Mustafa Kemal Ataturk hogaamiyihii qabsaday waddankaas 1921kii ilaa 1938dii horena u ahaan jiray nin ciidanka ka tirsan. Waxa dalkaas laga bedelay magacii, dhaqankii waxaana laga dhigay waddanka Turkiga magac ahaan sidoo kale waxaa la’afgmabiyay dhaqankii Islaamka iyadoo culaays badani ku dhacay dadka muslimka ahaa, Mustafa Kemal Ataturk waxa uu dhintay sannadii iyo bishii  10 Nov 1938.  Waddanka Turkiga waxaa isaga dambeeyay rag badan oo madaxweeynayaal kasoo noqday,  intooda badan waxaay lahaayeen taariikh ciidan. Muwadintiinta Turkigu intooda badani waxaay noloshooda wajahday dhibaatooyin badan oo aay kamidyihiin xorriyad la’aan diimeed iyo dhaqaalo xummi aay badanka dadka Turkigu kayaaceen waddankoodii hooyo, ugu yaraan shanjeer ayaa ciidamadu inqilaabeen waddanka. Baahi shacab oo muddo soo jiitamaysay ayaa markii dambe fursadaasi buuxiyeen asaaskii Xisbiga cadaaladda iyo horumarka (Justice and Development Party AK Party). Waxaa hogaankii xisbigaas hormuud ka ahaa rag badan waxaase sameeyntii ugu badnaayd lahaa hogaamiyaha Erdoğan, waa madaxweeynihii ugu horeeyay ee cod dadweeyne lagu doortay lehna awood dadweeyne, hadaba waa kuma Erdoğan?.

  • Waa Kuma Erdoğan?

Erdoğan waxa uu ku dhashay magaalada Istanbuul February 26, 1954, waxa u kasoo jeeday qooys danyar ah oo ku nool xeebaha badda madoow,  sidoo kale wuxuu ka qalanjiabiyay dugisigiisii hoose  Kasımpaşa Piyale sanaddii  1965, dugsigiisii sare waxa uu  kaga baxay iskuulka farsamada gacanta ee Istanbul Imam Hatip School (Religious Vocational High School) sannadii 1973. Dhanka kale waxa uu Erdoğan guulo kasoo xareeyay  dhanka darajada ku suntan aqoontiisa waxbarasho (GBA), taasoo kaga qalinjabiyay heer aad u sareeeysa jaamacadihii iyo dugsiyadiisii.

Jaamcaddii, digriigii kooowaad  waxa uu ku diyaariyay qaaybta dhaqaalaha iyo maamulka (Faculty of Economics and Administrative Sciences)  gaar ahaan jaamacadii la oranjiray Marmara University’s sannadii 1981.

Intii uu ahaa Erdoğan da’yarta waxa uu caan ku ahaa firfircooni iyo ka qaayb qaadasho dhanka arimaha siyaasada iyo dhalinyarta hogaankeeda, sidoo kale waxa uu caan ku ahaa warbixino iyo waraayso laga qaadi jiray kuna saabsanaa dhanka siyaasadda dalka Turkiga. Intii u dhexeeysay sannadihii 1969 ilaa 1982 waxa uu ahaan jiray ciyartooy aad ugu wanaagsan kuubadda cagta, kooxdii iyo tababarayaashii kula jiray, Erdogan  waxa uu ahaa saxiib dhisa quluubta kooxdiisa. Ciyaaraha waddanka Turkiga kumasii raagin, wuxuu soo geba-gabeeyay sannadihii sideemataadkii,  isagoo ku biiray ka qaayb qaadashadii  arimaha bulshada iyo kashaqeeynta duruufta  siyaasadda ee kajirtay waddanka Turkiga taasoo taagnaayd meelo ba’an.

Erdoğan , muddadii uu waxbaranaayay waxa uu qaayb laxaadleh ku lahaa isutaggii ururadiii dhalinta iyo ardayda, laguna magacaabi jiray ururada midoowga ardayda ee qaranka Turkiga (National Turkish Students’ Association), Erdoğan waxa uu ahaa xubin firfircoon kana muuqata ururuada ardayda ee jaamcadaha dalka.

Lasoco qaaybta labaad…………….W/Q: Xasan Cabdi shire