Masuuliyiinta Kiiniya ayaa sheegay in maleeshiyaad looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaalla meel u dhow xudduuda Soomaaliya.
Warar is khilaafsan ayaa soo baxaya, oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lagu qaaday saldhiga booliiska ee Haamey ee degmada Garissa.
Kiiniya waxay ku adkeysaneysaa in laba askeri la la’yahay halka Shabaabkuna ay ku doodeen in ay dileen 6 ka tirsan saraakiisha booliiska ee ku sugnaa saldhiga.
Wararka ayaa sheegaya in 14 sarkaal oo booliis ah ay ku sugnaayeen xerada markii la weeraray xalay.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in meleeshiyaadka ay gubeen saldhiga, ayna la baxsadeen saanad hub oo aan qiyaasteeda la ogeyn.
War qoraal ah oo uu soo saaray booliska Kiiniya ayuu ku sheegay in saddex sarkaal lagu dhaawacay weerarka. Laba ka mid ah ayaa lagu daweynayaa Dhadhaab halka midka kalena oo xaaladdiisu ay liidato loo qaaaday Nayroobi.