Faallo: Waddani oo qaaday waddadii dildillaaca

 

Sida ay sheegayaan warar ilo  kala duwan ka soo baxaya oo tibaxayaa dhammaan in xisbiga Waddani hoggaankiisa sare ay ka dhax bilaaban tahay khilaaf ba’an gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Cirro iyo ku-xigeenkiisa koowaad Axmed Muumin Seed.

Khilaafkan ayaa salka ku haya cida noqonaysa musharax Madaxweyne-ku-xigeenka halkaas oo ay ku loolamayaan ugu yaraan afar nin oo reer Awdal ah kuwaas oo kala ah Maxamed Cali, Axmed Muumin, Eng Axmed, Cabdirashiid Xasan iyo Daahir fifteen, waxaase la hubaa in geed ka go’an uu yahay oo aan Cirro isaga musharaxnimada madaxweynaha aanay cidina kula loolamayn.

Waxaa haddaba is waydiin leh toban bilood ka hor bay ahayd markii xisbiga Kulmiye qabsaday shirkiisii lagu dooranaayey musharaxa iyo ku-xigeenka waxaana aad u muuqatay in ku-xigeenka si dimoqraadi ah loogu baratamay halka musharaxa madaxweyanahana ay u muuqatay in Muuse kaliya loo xidhay oo aanay jirin cid kula loolantay taasina ay keentay in rag badan dibedda xisbiga uga cararaan oo ilaa maanta meel lagu sheegaa aanay jirin.

Waddanina waxaa soo food saartay tii tu u eg. Maxaa haddaba jagadan ku-xigeenka ka dhigay mid dimuqraadi ah tan ka saraysana ka dhigay mid xidhan? Ma jiraa xeer sidaa qeexaya oo ay ku heshiiyeen xisbiyadu? dhabtii waa maya oo ma jiro xeer sidaa dhigaya waxaabay cadaynayaan dhammaan xeer hoosaadyada xisbayadu in ay dhammaan jagooyinka sare lagu imanayo doorasho iyo tartan.

Axmed Muumin hadda waxa ay doodiisu tahay sida ay ii xaqiijiyeen ilo ka ag dhawi in labada jago loo tartamo oo aanay jirin waxa Cirro si gaar ah loogu xidho tan ku-xigeenkana sidaas oo kale haddii ay tiisu xidhnaato ana waa in la ii xidhaa waayo xisbiga waan wada dhisanay waanan u soo wada halganay. Waxaa halkan imanaysa Cirro cida uu ka baqayaa haddii kiisu tartan noqndo waa kuma? Waxa ay isla xogtaasi sheegaysaa in uu Dr. Maxamed Cadbi Gaboose yahay ninka ugu taageerada badan xisbiga dhexdiisa loona arko nin mucaarad rasmi ah noqon kara kaasi ayuu baqdin ka qabaa haddii la tartamo in uu meesha ka saaro, taasina waa tan keenatay haddii cidi ay meeshaas soo hadal qaado in xisbigaba laga saaro.

Waxa muuqata bisha Oktoobar horteeda haddii aan la gaadhin xal sidaa hadda waxa ka badalayaa in xisbiga ay ka dhax bilaaban doonto dildillaac waaweyn oo keeni doona in ay qaybo badan ka jabaan kuwaas oo ay dhici karto is qabqabsi iyo ashkato in ay bilaabanto waxaanay taasi faa’iido buuran ka heli doona xisbiga Kulmiye waayo cid kale oo hadda saaxad ku tartamaysa oo aan labadaas ahayn ma jiraan kii la odhan jiray UCID magaciisu uunbaa jiree muuqiisu waa hore ayuu dumay.

Xasan Ciise