Eeraan waxay digniin u dirtay maamulka Donald Trump

Wasiirka arrimaha dibedda ee Eeraan, Javad Zarif ayaa Maraykanka u sheegay in uu joojiyo handadaadda uu dalkiisa ku hayo.

Javad Zarif wuxuu maamulka Trump ku eedeeyay in uu isku deyayo in ay daandaansadaan Eeraan si cunna qabateyn ay u saaraan.

Wuxuu hadalkaasi sheegay xilli uu BBC-da wareysi gaar ah siinayay.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Javad Zarif, ayaa sheegay in Trump uu kicin sameynayo ka dib gantaal ay Eeran dhowaan tijaabisay oo caag ahaa.

Wuxuu u digay Maraykanka oo uu u sheegay in aysan cunna qabateyn saari karin xukuumadda Tehran.

Zarif ayaa tilmaamay in tallaabo la mid ah ay qaadidoonaan, haddii xayiraad lagu soo rogo.

Mr Zarif wuxuu ka qeybgalay kullankii amniga ee Munich.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka ayaa Eeraan ku tilmaamay:

“Maalgeliyaha ugu sareeya ee argagixisada”.

Eeraan waxay heshiis kula jirta maamulkii Obama ayaa hadda u muuqata in ay si weyn isaga soo horjeedaan maamulka Donald Trump.

bandhige@gmail.com