Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa u mahad naqay dhallinyarada Somaliland uga mahadnaqay xuska maalinta uu madaxweynuhu wareegtada ugu asteeyey ee 20-ka bisha February oo maanta ku beegan.
Wasiirku isaga oo ka duulaya qaddarinta iyo ixtiraamka uu u hayo dhallinyarada, waxa uu xalay munaasibad casho-sharaf ah ku maamuusay xubnaha golaha sare ee dallada dhallinyarada ee SONYO, waxana uu la wadaagay dareen farxadeed oo uu ku qiimaynayo dhallinyarada.
Casho Sharaftan Wasiirku u sameeyey ayaa waxa kasoo qeyb galay hoggaanka sare ee SONYO, xubnihii xilka wareejiyey, Guddoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dawladda Sharmaarke Geelle, Wasiirku Xigeenka Hawlaha Guud Liibaan Yuusuf Cismaan. Xubnahan Golaha Sare ee dhawaan loo doortay in ay majaraha u qabtaan hoggaanka SONYO muddo saddex sanno ah.
Gudoomiyaha cusub ee dallada dhallinyarada ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax, ayaa Wasiirka ugu mahadnaqey casuumadan, dhinaca kalana sheegey in uu yahay Wasiirkii Ugu horeyeeyey ee martiqaadkan u sameeyey, waxaanu sheegay in ay maanta laga bilaabo tirsanayaan.
Wasiir Cali Xasan Maxamed, ayaa muujiyey sida uu muhiimadda gaarka ah u siinayo dhallinyarada, isla markaana uu ugu arko mustaqbalkii berri, waxana uu heegan hogo tusaaleeyey sida ay uga go’an tahay inuu mar walba taageerahooda koowaad ahaado, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:
“Wax aniga mar walba iga go’an inaan dhallinyarada waddanka taageero oo garab istaago, aniga oo og qiimaha ay dhallinyaradu dalka ku leeyihiin, kana duulaya oo kaashanaya sida uu madaxweynuhu u qiimaynayo da’yarta, ayaan go’aansaday inaan munaasibadaha noocan oo kale ah la yeesho, waana waajib ay dhallinyaradu nagu leeyihiin.”