Faallo: Shaybaadhkii shidaalka waa la furay, laakiin goorma ayaa la furi doonaa kii dawooyinka iyo raashinka?

????????????????????????????????????

Axaddii wuxu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” xadhiga ka jaray shaybaadh hubinaya tayada shidaalka. Waa Guul. Haddii sida la rabo uu u shaqeeyo shaki la’aan wuxu badbaadin doonaa hanti badan oo gaadiid iyo mishiino leh, wuxuna ka hortagi doonaa khasaare soo gaadha dadka iyo dalka.

Way ku ammaanan tahay xukuumaddu dedaalka ay ka samaynayso dhinaca hubinta tayada, horena waxa ay u yagleeshay Hay’adda Dhawrista Tayda, dhaqdhaqaaqeedu haba iska koobnaado’e.

Laakiin waxad moodaa in mararka qaar buudhiga laga hor marinayo dameerka.  Su’aal muhiim ahi waxa ay tahay, maxay dawladdu u keeni la’adahay shaybaadhadii lagu hubin lahaa tayada dawooyinka iyo maceeshadda aynu quudano, kuwaas oo loo qabo baahi ka badan tan loo qabo shaybaadhka shidaalka.

U fiirso. Haddii shidaalku xumaado khasaare hantiyeed ayaa imanaya, haddiise dawooyinka iyo raashinka wax ka khaldamaan khasaare nafeed ayaa imanaya. Maaha laba arrimood oo isku ahmiyad ah. Nafta ayaa ka horeysa hantida.

Hase ahaatee, haddiiba la hirgeliyey shaybaadhkii shidaalka oo laga dhigay mudnaanta koowaad ee hubinta tayada, goorma ayaa la keeni doonaa shaybaadhkii dawooyinka iyo kii raashinka?

Inteenii daawanaysay munaasibaddii quruxda badnayd ee lagu daahfuray shaybaadh-ka shidaalka, waxaynu arkaynay madax tiro leh oo ku nuuxnuuxsatay baahida aasaasiga ah ee loo qabay shaybaadhkan. Waa runtood. Laakiin midkoodna ma xasuusan dhibka ay innagu hayaan tayo-xumada dawooyinka iyo raashinka ay soo dejiyaan ganacsatada damqashadu ku yar tahay. Taasi waxay shaki innaga gelinaysaa ilaa heerka ay ku baraarugsan yihiin dhibta ka taagan raashinka iyo dawooyinka dalka soo gala.

Yaa og inta qof ee u dhimatay dawo dhacday oo la siiyey? Yaa og inta u dhimatay dawooyin been ah oo la siiyey kadibna ka daweyn kari waayey xanuunkii ay la bukeen? Yaa og inta xannuuno aanay hore u qabin ka qaadday dawooyin ama raashin dhacay ama sumaysan? Mooyi!

Waxa muhiim ah in xukuumaddu ka fikirto kala-horumarinta hawlaha in la mid ah inta ay ka fikirto hawlaha horumarinta. Hay’adda Dhawrista Tayada oo la xoojiyo, qalabyada baadhitaanada ay u baahan tahayna loo dhammaystiraa waxay badbaadin kartaa nolosha dad badan waxayna ka hortegi kartaa khatar ah oo soo socotay.

bandhige@gmail.com