Markab Shiinaha laga leeyahay oo siday 450 qof ayaa mar dhawayd ku quusay webiga Yangtze

400 oo qof ayaa la laโ€™yahay kadib markii markab rakaabka qaada oo Shiinaha laga leeyahay uu ku quusay webiga Yangtze oo ku yaal isla dalkaas kadib markii uu haleelay duufaan xoog badan sida uu sheegay kabtankii markabku.

Ugu yaraan 458 qof ayaa saarnaa markabkan oo la yidhaa Xidigta Bariga markii uu goor dhawayd oo saaka ah ku quusay meel aan ka durugsanayn magaalada Jingzhou ee goblka Hubei.

405 qof oo ka mid ah dadka markabka saarani waa rakaab, 47 waa shaqaaleย halkaย 5 ka mid ahina shaqaale u yihiin wakaaladaha socdaalka.

Wararku waxay sheegeen in Salaasadan saaka la badbaadiyey 30 qof iyadoo uu daโ€™ayo roob mahiigaan ahi dabaylo xoog lihina ay dhacayaan goor aanu waagu wali beryin.

Sawirkii markabka ka hor intii aanu quusin
Sawirkii markabka ka hor intii aanu quusin

Raโ€™iisal-Wasaaraha Shiinaha ย Li Keqiang ayaa u ambabaxay goobta uu shilku ka dhacay si uu u hor kaco kooxda gurmadka sida ay ku warramayaan warbaahinta Shiinuhu.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa isaguna amar ku bixiyey in la baadigoobo lana badbaadiyo dhammaan dadkii markabka saarnaa.

Xiddigta Barigu markii uu shilku dhacay wuxu u kala gooshayey magaalada Nanjing ee gobolka Jiangsu iyo magaalda ku taal koonfurta galbeed ee shiinaha ee la yidhaa Chongqing.

Xidigta Bariga ayaa la sheegay in dhererkiisu waa 76 mitir, balladhkiisuna waa ilaa 10 mitir wuxuna qaadi karaa 534 qof.

Bandhige@gmail.comย