Telesom waxay maanta bilawday hirgelinta ZAAD lagu isticmaalayo Shillinka Somaliland

Shirkadda Telesom ayaa maanta bilawday hirgelinta ZAAD oo lagu isticmaalayo Shillinka Somaliland kadib markii ay xukuumadda Somaliland bishii April codsatay in lacagaha moobilka lagu isticmaalo ay ka guurto Doollarka una guurto Shillinka Somaliland taas oo taas oo shariikaduhu ka gaws-adaygeen laakiin markii dambe ogolaadeen in labada lacagayowba la is barbar wado.

Dhaqaalyahanno aanu arrinkan wax ka waydiinay ayaa tibaaxay in haddii sidaas arrinkani ku hirgalo uu dhaqaalaha wax ka tari doonto, gaar ahaan sixir-bararka. Lakiin waxay dhaliil u arkayeen in aan la sii daraasayn saamaynta taban ee go’aankani yeelan karo ka hor intii aan lagu dhawaaqin lana fulin.

Dhanka kale, dad badani waxa ay isweydiinayaan mar haddii uu weli jiro Doollarkii oo lagu isticmaalayey ZAAD-ka waxa ay soo kordhinayso in haatana lagu ladho in ZAAD-ka lagu isticmaalo Shillin Somaliland, iyadoo la saadaalinayo in dadka badankiisu ay sii wadi doonaan isticmaali Doollarkii ay la qabsadeen.

bandhige@gmail.com