Ma rabtaa in aad ka badbaaddo walbahaarka inta aad sugayso natiijada imtixaanka?

Bandkeednu waxa aynu soo marnay werwer iyo calool-xanuun ka dhashay imtixaan aynu marnay, kaas oo noqon kara mid wax barasho ama mid shaqo.

Markaaba waxa aad is waydiinaysa su’aalihii aad ka shaqaysay, wixii aad ka garatay, wixii aad jawaabtooda garan wayday iyo kuwa aad ka shakisan tahay in aad garatay iyo in kale.

Waxa sidoo kale maskaxdaada ku soo dhacaya oo aan hore uga baxayn tolow natiijda imtixaanku maxay noqon doontaa? Miyaad gudbi doontaa mise waad dhici doontaa? Waa dareen naxdin iyo walaac badan dadku haba kala badsadaan walaaca’e.

Maanta Bandhige wuxuu idiin hayaa talooyinkii kaa dejin lahaa walaaca iyo walbahaarka wakhtiga aad sugayso natiijada imtixaan aad martay:

1. Dib ha ugula noqon saaxiibbadaa wixii aad ka shaqaysay iyo siday uga jawaabeen taasi werwer bay kugu soo kordhinaysaa badan.  Waayo waxa jira siyaabo badan oo su’aalaha looga jawaabo waxana suura gal ah in aad adigu ka saxsan tahay. Sidoo kale imtixaanka oo marka laga soo baxo aad ka sheekaysataan waxay keentaa muran badan oo keeni kara in aad saaxiibbadaa qaarkood is qoonsataan.

2. Walaaca iyo werwerka ku haysta marnaba waxba kuuma soo kordhinayo mar haddii aanad awooddaas lahayn. Waxa kaliya ee aad dhibaato gaadhsiinaysaa waa caafimaadkaaga ee ka joog ha is dhaawicine.

3. Waxaad niyadda ku haysaa su’aalihii aad sida fiican uga jawaabtay sababtoo ah taasi waxay kaa yaraynaysaa werwerka ku haysta waxayna kugu beeraysaa farxad.

4. Jooji xisaabinta darajada aad keeni doontid. Ha is odhan su’aashaas intaas baad keenaysaa taas kalena intaas baad keenaysaa. Waayo adigu ma tihid qofkii saxayay imtixaanka, mana saadaalin kartid dhibcaha qofka saxayaa ku siin doono. Maskaxdaada ha daalin!

5. Ku dedaal sidii aad u heli lahayd fasax fiican nasasho wanaagsana u qaadan lahayd si aad maskaxdaada uga maydho walaacii imtixaanka oo laga yaabo in uu weli kaa sii guuxayo.

Werwerka imtixaanka2

6. Iska ilaali in aad meel iska fadhiisato oo aad tidhaah waxba ma qabanayo ilaa natiijadii imtixaanka la sheegay. Shaqo samayso, nafta mashquuli, wakhtigaagana si wanaagsan uga faa’iidayso werwerku waxba kuuma soo sidee.

7. Ogsoonow haddii aad imtixaankan gudbi waydo in aanay macnaheedu ahayn in mustaqbalkii noloshaadu dhammaday. Waxa jira siyaabo badan oo mustaqbalka loo dhiso, waxad u baahan tahay oo kaliya adkaysi iyo qorshe cusub oo aad nolosh u degto iyo wixii imtixaanka kaa soo maray oo aad daadka raaciso.

Ugu danbayn BANDHIGE wuxuu kula talinayaa in qof kasta oo imtixaan galayaa uu hore u sii dedaalo, waa sida ugu wanaagsan ee aad uga hortagi karto qulub kaa raaca imtixaan aad gudbi wayday. Haddiise aad dedaali waydo, imtixaankiina aad sidaas ku waydo, waxa kula gudboon adkaysi iyo dhinac kale oo aad mustabqalka uga wareegto. Xusuusnow xikmaddii Soomaalida ee ahayd “Ama afeef hore yeelo, ama adkaysi dambe”. Ilaahayna isku xidh oo  aamin qaddarka Alle Subxaanahu Wa Tacaala.

By: Ina Siciid

Bandhige@gmail.com