Sarkaal ka tirsan xukuumadda Falastiin oo magaciisa la yidhaa Jibril Rajoub ayaa tibaaxay in aanay Falastiiniyiintu soo dhawayn doonin madaxweyne-xigeenka Maraykanka kadib markii Maraykanku Quddus u aqoonsaday magaalo-madaxda Falastiiniyiinta.
“Safarka dhawaan u qorshaysan Mike Pence ee uu ku imanayo Falastiin, gaar ahaan Baytu Laxam laguma soo dhawayn doono” ayuu yidhi sarkaalku.
Hase ahaatee sarkaal u hadlay xafiiska madaxweyne-xigeenka Maraykanka ayaa tibaaxay in haddii Falastiiniyiintu ay qaabili waayaan Maraykanka ay taasi cawaaqib yeelan doonto.
Falastiiniyiinta ayaa aad uga cadhaysan aqoonsigii uu Trump u aqoonsaday Quddus in ay tahay magaalo-madaxda Yuhuudda.
Bandhige@gmail.com