Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, ahna Mushaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxweyne ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo Somaliya, waxaanu si gaar ah uga hadlay khudbadii uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh uu ka hor jeediyey Barlamaanka Somaliya, waxaanu tilmaamay inuu khudbadiisa ku soo qaatay waxyaabo badan oo ku saabsan Somaliland, oo ay ka mid tahay midnimada labada dal, waxaanu xusay inaanay taasi suurtagal ahayn, waxa kale oo uu sheegay in Xasan Sheekh uu wada hadaladii uu isagu gacantiisi ku burburiyey, isla markaana uu halgankii dib u xoraynta Somaliland meel kaga dhacay, madaama uu ku tilmaamay caadifad.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, oo shalay xafiiskiisa ugu waramay Warbaahinta ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliya xaaladeeda waad og tihiin, afar sanno Dawlad la yidhi waa rasmi oo la ictiraafay ayaa ka shaqeeynaysay, oo Xasan Sheekh yahay Madaxweyne, maantana Doorasho ayey galaysa, oo wey tartamaysa, Doorashada waxay u bixiyeen Doorasho dadban, maaha tu dadban ee waa tu khaldan, waxaan caqliga galayn 51 qof oo la soo qaato oo suuqa looga yeedho, oo qofkii lacag badan u footaynaya, 24 qof ayaa u ordaya madaxtinimada, Guri sare ayey sameeyeen oo ay u bixiyeen Guri sare oo ku fadhiya dawlad goboleedyo, dawlad goboleedyo dhismayna ma jirto, Gurigaasi ma leh sharcigu wuu ku shaqeeynayo, wax dawlad goboleed dhisan oo odhan karo wuu dhisan yahay oo madax ka nool waa wadanka Puntland la baxay ee Garoowe, Arinta maanta socota Dawladdo ayaa gacanta la soo galay doorkan, qaar baa maryaha dhigtay, dawlad kasta danteeda ayey wadataa laakiin dan Somaliyeed lama wado”.
Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Inaga Somaliland iyo Somaliya wada hadla ayaa la yidhi, 2012 ayaa la wada hadlay, wax baanu ku heshiinay, dawladaasi markaas ku meel gaadh bay ahayd, waxa ka madax ahaa Sheekh Shariif, xal baa ka soo dhex baxay in Somaliland iyo Somaliya iyagoo siman in mustaqbalka ka shaqeeyaan xidhiidhkooda, dawladan cusub baa timid Xasan Sheekh, ilaa maalintii uu yimid Xasan Sheekh wuxuu ka shaqeeyey in raadkii wada hadalada uu baabiyo, wuxuu maalinba meel isku xoqoba, waa kii bishii March 2015 inoo keenay Maareeye iyo niman reer Somaliland ah, ee shirkii halka ku baabay, ilaa maantana shir ma jiro”.
Eng Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey khudbadii Xasan Sheekh ayaa yidhi “Xasan wuxuu ku jira nimanka musharixiinta ah, Somaliland shalay (doraad), waad maqlayseen khudbadaha uu bixiyey halka uu ku dhuftay, Xasan wuxuu yidhi waxaan ka shaqeeynayaa intaan noolahay midnimo, Xasan midnimada Somaliland iyo Somaliya tamarna kuma leh, hidana uma leh, Somaliya ayuu kala jar jaray,shan dawladood ayuu ka sameeyey oo aan jirin, oo magac ah, waxa isna musharaxa ah Shariif Axmed iyo Farmaajo, Ragga la leeyahay imika wey u tun weyn yihiin, fariinta aan maanta dirayaa waxa weeye, oo aan la hadlaya nimanka iyo dumarka ku soo baxay Guriga sare iyo Guriga hoose waxay u bixiyeen, anigu shakhsi ahaan ma rumaysni waxan ay sameeyeen ee dawlad goboleedada ee jirin, oo imika tii Gobolada Dhexe iyo Garoowe saddex dawladood ayaa ka sameeysan, tii Suna Wajamac oo si fiican u dhisan, oo dhuusa-mareeb ay caasimad ka tahay, Galmudug waxay u bixiyeen oo ka sameeysan meesha la yidhaahdo Cadaado, Galkacayo oo laba dawladood ka sameeysan yihiin, waa fidno Somaliyeed ee maaha xal Somaliyeed waxa la wada”.
Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu fariin u diraayey Xildhibaanada Somaliya ayaa yidhi “Waxaan leeyahay dadka foodka bixinaya bisha siddeedeeda, lacag badan baa meesha socota, inkasta oo nidaamka oo dhami khaldan yahay, haddana maadama waxa ka soo baxa dawlad lagu sheegi doono, ILLAAHAY ka baqa, mustaqbalka umadda aad sheeganaysaan, ee magacooda sheeganaysaan, ee gacanta ku haysaan, qof kasta rikoodh buu leeyahay, Xasan rikoodhkiisi eega, afartii sanno muxuu qabtay, muxuu soo kordhiyey, dhaqaalihiisu muxuu ahaa, muxuu maanta haystaa, jeebkiisa eega, Shariif Axmed shalay waad arkayseen oo wuu hayey, la xisaabtama, Farmaajo oo Raysal-wasaare ahaa la xisaabtama, waa in aanu hungurigu idin wadin ee damiirkiinu iyo aakhiradiinu idin wadaa ayaan leeyahay, Anagu UCID ahaan haddii aanu nahay waxaanu jecel ahay in halkaas dawlad nadiif ahi ka soo baxdo, oo Somaliland iyo Somaliya u wada hadalno, oo laba dawladood oo walaalo ah noqono, Xasanoow ha ku saxeen in Somaliland iyo Somaliya isku colaysiisid,waa babacada timo may ka soo bixi, maatiduna wey ka caqli badan tahay, Somaliland 25 sanno ayey wado khaas ah qabsatay, nidaam gaar ah sameeystay, nin 26 jir ahi in aanu dib u noqonayn waad arkaysaa, horena afkaad iskaga xumaysay, oo waa adigii halgankii iyo dhibaatadii nagu dhacday aad tidhi caadifadii wey dhammaatay, caadifad ku sheegay, wixii nagu dhacay ee aad ogayd Radiyow Muqdisho ayaad dhegaysan jirtay, ee ku barbaaray dayaacadii Maxamed Siyaad Bare ee aan aqoon Somaliland tayadeeda iyo awoodeeda, waxaan leeyahay gacantiina ku aarsada, oo ugu aara dadkiina, Ciidamada shisheeye danta Somalida maaha,qoqobaha,qabaa’ilka iyo dawladaha loo sameeyey danta Somaliya maaha, khayraadka Somaliya laga gurnayo ee magaca Somaliya ku saxeexayaan ee badda saxeexay dan maaha, wax dan Somaliya wadaa ma jirtee, kuwa halkaas u ordayaa waa laba qolo, qolo waxay wadataa barnaamuj reer ku dhisan, qolona iyagu waa lacag ha ka guratid, oo ma laha siyaasad ee waa hunguri, waa dadka u ordaya labada beelood ee ugu tunka weyn, danta Somaliya cid wadaa ma jirto, markaas waxaan leeyahay bisanka u qabta, damiirkiinu ha idin khumo anaguna insha allaah waanu soo ducaynaynaa”.
Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa yidhi “Kuwa reer Somaliland ka soo jeeda ee magacyada loo bixiyey ee macaanka loo bixiyey, ee balashlayaasha loo bixiyey, maanta waxaanu aragnaa dad badan oo cusub baa soo galay, Dhalinyaro ayaa soo baxday, inkasta oo aanay na matalin haddana magaca wey nala wadaagan, waxaan leeyahay dad wanaagsan codkiina ku caawiya, qof fiican ku caawiya, iyagana wax u taraya anaguna aanu kala baxayno oo laba wadan oo walaalo ah aanu noqonayno oo is barbar yaala, haddii taa maanta laga tagana waxay Somaliland diyaar u tahay toban sann oo hore ayey dagaalamaysay in aanu toban sanno oo kale dagaalano in aanu dagaalano ayaanu diyaar u nahay, ninka nagu soo marmarsooda waa nin aan caqli lahayn, waanu koraynaa, gudahayga waanu dhamaysanaynaa, khatumo iyo arimaheeda waanu dhamaynaynaa, waxaanu jecel nahay anaga oo Somaliland oo midaysan in aanu tiina wax ka sameeyno, xumaantiinu waa xumaantayda, wanaagiinuna waa wanaagayga, xaasidiin ma nihin sida Siyaasiyiintiina, Golaha Shacabiga ayaad la baxdeen, Golaha sare ayaad la baxdeen, ILLAAHAY ka baqa, lacagta ka qaata waa tiini, Xasan lacag muu haysan markii uu yimid, waan xasuusta Xasan shilin muu haysan, NGO yar buu haysan jiray”.
Dhanka kale wuxuu Eng: Faysal Cali Waraabe ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu tilmaamay inay wada hadalaasi yihiin muhiim, waxaanu xusay in wejigii kowaad la isku af gartay, wejiga labaadna wuu rajo wanaagsan ka qabo
Xigasho: Geeska Afrika.
bandhige@gmail.com