Ganacsiga hubka dunida wuxuu sare kacay boqolkii sideed

 

Warbixin cusub ayaa sheegaysa in hadda uu meeshii ugu sareysay marayo ganacsiga hubka ee caalamiga ah, tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa.

Mac-hadka caalamiga ah ee nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm (SIPRI), ayaa warbixinta ku sheegay in hubka waaweyn ee ay dawladdaha caalamka soo iibsadeen intii u dhexeysay 2012 iyo 2016 uu sare u kacay boqolkiiba sideed, marka la barbar dhigo shantii sanno ee ka horreysay.

Hubkaasi ayaa intiisa badan waxaa iibsaday dalalka ku yaalla Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa Khaliijka.

Sucuudi Carabiya ayaa noqotay dalka labaad ee ugu hubka iibsiga badan caalamka, ayadoo kaalinta koobaad ay ku jirto Hindiya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shan dal ay iibiyaan boqolkiiba 75 hubkaasi, kuwaasoo kala ah Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Jarmalka.

bandhige@gmail.com