Jamhuuriyada Somaliland waxaa beryahan danbe isa soo taraayey oo maalinba mid cusub uu degelka soo imanayaa umuuro kaa fajacinaaya, waxaa ugu danbeeyey Saldhiga Milateri ee Berbera laga siin rabo UAE, hadaba Saldhigani wuxuu Somaliland keenay dodo, is maandhaafyo, kala fogaansho siyaasadeed oo dalkeenan JSL hadheeyey oo dhankii loo eryaaba malaha uu toos noqday, waa halkii Waraabaha ayaa dhinacii loo eryaaba toos u yahaye, JSL waxay noqotayba waraabahaas.
Hadaba doodaha kala duwan ee dalka yaala ayaa ah kuwo aan sinaba isugu imanayn, dhanka xukuumada keliya hadaan ku soo koobo qormadan, waxay xukuumadu ina leedahay wadanka UAE waxaanu siinay oo heshiis kula galnay Saldhig Milateri, iyadoo sida la ogsoon yahay aanuu jirin heshiis la hor keenay golayaasha ee la soo hor dhigay nuqul yar oo aan waxba ka iftiiminayn Saldhigaas iyo sida heshiiskiisu yahay ama uu u ekaan doono. Waxaynu warbaahinta ka dhegaysanay dhawr hadal oo is dhaafsan kuwaas oo ay xukuumadu marinayso; waxayna kala yihiin sidatan:
- In wasiirka Arimaha Debedu cadeeyey oo sheegay in aanuu jirin wax heshiis ah oo ay dawlada Imaaraadka la soo galeen.
- Wasiirka madaxtooyada ayaa isaguna mar uu ka qayb gelaayey doodii jimcihii ee Idaacada BBC-du qabatay ka sheegay sadex war oo iyaguna kala fog oo hadana ka soo baxay hal masuul afkiisa, kuwaasoo kala ahaa
- Waxaanu heshiis hor geynay golayaasha, kaa soo ku saabsanaa Saldhiga Milateri ee aynu UAE siinay.
- Wax heshiis ah maanu gelin ee nuxur ayaanu golayaasha hor keenay
- Nuxurkaanu golayaasha hor keenay waa heshiiskii oo hadhaw la qurxin doono lana saxiixi doono.
- In xukuumada somaliland ku doodayso waa maalgashiyo
- Mar kale waxay xukuumada JSL ee Kulmiye ina leedahay waa Saldhig Milateri.
Sidaas darteed markaynu bal hadda in yar is barbar dhigno saldhig milateri iyo maalgashi maxaa isla soo galay? Ma yihiin wax meel wada geli kara? Kaba sii darane waa maxay xukuumada ku hadaaqaysa wararka is burinaaya oo aan marnaba meel isugu imanayn? Si kastaba ha ahaatee maalgashi waa mashruuc waddan ama shirkad ama qaramada midoobay (UN), ay ku maalgeliyaan dal u baahan oo weliba ah mid leh aqoonsi buuxa oo taam ah. Waxaa nuxurka iyo qodobada heshiiska la galo dhexdhexaad ka ahaada Qaramada Midoobay oo hadii laysku qabto wixii lagu kala bixi lahaa keena iyagoo eegaaya waxyaabaha lagu heshiiyey siday yihiin, haba danbaysee in UN-ku hawlahaas qabto ama dawlado kale ay dhexdhexaad ka ahaadaan arimahaas heshiis maalgashiye arinkani maaha mid maalgashi ee waa Saldhig Milateri oo dalka isutaga carabtu ka yagleelanaayo JSL, kaba sii darane waxaa maalgashi lala siiyaa ama lala gala waa dawlad ama dal la aqoonsan yahay; somaliland na ma jirto cid aqoonsani oo dhamaan dunidu waxay leedahay waa maamul goboleed ka mid ah Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay gef tahay oo aanay wax inoo qalma ahaynba arintaasi.
Si kastaba ha ahaatee dhinaca Saldhiga Milateri ee aynu bixinaynaa ma yahay mid sharci ahaan hirgeli kara? Warcelinteedu maaha wax adag oo waxaynu ka war qabnaa in aanay dawlad aan la aqoonsanayni sinaba u bixin Karin saldhig hadii ay arintaasi dhacdo waa qabsasho la qabsaday somaliland, weliba inagoo aragna.
Hadii aan kaba imaado dhinacyadaas hore waxaan marna is qaadi Karin oo aan degelkan isugu iman karayn weedhaha ama odhaahaha xukuumada ee iyaguba sidooda isu diidan ee aan marnaba isku meel joogin, kuwaasoo kala ah
- Heshiiska UAE waa maalgashi ay ina siinayso
- Heshiiskani waa saldhig milateri oo aynu siinayno UAE
- Heshiis baanu galnay oo Imaaraadka la galnay iyo wax heshiis ah maanu gelin
- Somaliland ayaa heshiiskan gashay iyo Somaliya ayaa gashay
Waxba yaan hadalka sii badine arinkani muxuu yahay? Xukuumada cimrigeedii galbaday eek u fadhida xoogaaga cuwaafta ah ee loo kordhiyey ka dib markay ku fashilantay oo qaban kari wayday doorasho dalku ku yeesho hogaan cusub oo bulshadu soo dooratay! Maxay inoogu sharaxi wayday ileen xaq baynu ugu leenahaye? Mise waxyaabihii aynu xaqa u lahayna waxay iyaguna noqdeen cuwaaftaas loo kordhiyey oo wax xaq iyo daw ah oo aynu ku leenahay ma jiraan?
Guntii iyo gebagebadii waxaan bulshada reer somaliland leeyahay, maaha xukuumadani taynu diraynay oo aynu dooranee waa wax kale, codkeenii ay meesha ku fadhidayna waxayba mooday oo ka dhigatay DIIQO waa sida tooska uga muuqata habdhaqankeedee, yaan la sugine ha ladigtoonaado. Qabyadeed moodna waxaan leeyahay dalkani maaha dhibaad iyo diiqo laydin siiyee waa mid bulshadiisii jirtoo joogto ee idinkuna ha is odhanina laydinma arko. Ugu danbayntii waxaan ku soo afmeerayaa qormadan isma qabtaan waxaad isku xidhaysaane wax lala shir tago oo aan afmiishaarnimo ahayn bedka soo dhiga!
ALLAA MAHAD LEH
Bare Sare Maxamed Cumar Dhagax