Golaha guurtida Somaliland ayaa saaka guda galay dooda xeerka isa-saarka doorashooyinka oo ka soo gudbay wakiilada.

Fadhigii saaka ee golaha guurida oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu furay, waxa uu mudanayaasha u soo jeediyay inay wax ka badel ku sameeyaan qaar ka mid ah qodobada ajandaha kal-fadhiga 83-aad.

Intaasi ka dib mudanayaasha ayaa u codeeyay in qodobka 9-aad ee ajandaha loos oo raro qodobka lixaad, kaasi oo ah xeerarka isa-saarka doorashooyinka.

Natiijadii codaynta xeerarka isa saarka doorashooyinka in la soo hormariyo waxa ku dhawaaqay guddoomiye Saleebaan.

Intaasi kadib waxa uu guddoomiyaha guurtidu ku dhawaaqay in ay ka doodaan xeerka guud ee Doorashooyinka iyo ka ururada doodii mudanyaasha ayaa waxay u dhacday.

Intaasi kadib gudoomiyaha golaha guurtida ayaa ku dhawaaqay inuu guddi u saari doono ka soo baaran dagta xeerarkani horyaala golaha, taasi oo ay soo jeedinteeda lahaayeen mudanayaasha dooda ku jiray.