Dadka Shaqadoodii Ku Waayay Ama Xilkii Laga Qaaday Taageerada Qaza Awgeed

Dad badan oo adduunka ah ayaa xilkii ay hayeen laga qaaday ama shaqadii ay hayeen laga caydhiyay kadib markii ay taageero u muujiyeen Halganka ay ururka Xamaas ee reer Falastiin kula jiraan Israil.

Dadkaa waxa ka mid ah

1.Fannaanka Ai Wei Wei oo u dhashay dalka Shiinaha. Ninkan ayaa afka dhulka daray kadib markii bandhig carwo oo uu ku soo bandhigayay magaalada London la joojiyay kadib markii uu Barihiisa bulshada soo dhigay qoraal uu taageero ugu muujinayo Falastiin isla markaana uu ku dhaliilayo Israil. Bandhiggan ayaa arbacadii inna soo dhaaftay ee 15 November lagu waday inuu ka qabsoomo Lisson Gallery London

2. Zahraa Al-Akhrass oo ah saxafiyad ka hawl gasha warbaahinta Kanada ee Global News ayaa shaqadii laga eryay, iyada oo sabab looga dhigay taageero ay u muujisay Falastiiniyiinta qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada iyada oo geesta kale si weyn uga soo horjeedsatay weerarrada Israil ay halkaa ka waddo. Zahraa Al-Akhrass ayaa asalkeedu ka soo jeeda Falastiin balse haysata dhalashada kanada.

3. Tifafatirihii guud ee Wargeyska Artforumee xaruntiisu tahay New York David Velasco ayaa shaqadiisa ku waayay waraaq furan oo uu ku saabsan xaaladda Qaza 19 Oct. waraaqdan ayaa ku baaqaysay in gargaarka banii aadannimo la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan ee reer Qaza, in lala xisaabtamo danbiyada dagaal ee Israa’iil ka waddo Gaza iyo xabbad joojin la hirgaliyo. Geesta kale Israil ayaa uu ku eedeeyay inay xoog ku haysato dhulka Falsatiin

4. Jackson Frank oo ahaa wariyaha dhanka ciyaaraha ee degelka PhillyVoice.com” ee ka hawl gala gobolka Philadelphia ee dalka Maraykanka ayaa shaqadiisii waayay kadib taageero uu u muujiyay Falastiin

Source: Aljazeera. The guardian, Anadolu Agency,

Cabdiraxmaan Hayaan