Guddoomiyha Komishanka Tamarta Somaliland waxa uu kulan la qaatay Ururka ay ku midaysan yidhiin Shirkadaha laydhku 

 

Kulankaas oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa waxa hadal ka jeediyay agaasimaha guud ee komishanka tamarta Somaliland Maxamed Maxamuud (Malaw), waxaanu sheegay in u jeedada kulankoodu ay aheyd sidii loo xoojin lahaa adeegga korontada ee bulshada la siiyo, waxaaanuu intaas ku daray in kulankaasi ay ka soo bexeen is faham ku saabasan sidii wada shaqayn fiicani u dhex mari lahayd shirkadaha korontada ee bixiya addeega laydhka iyo komishanka tamarta Somaliland.

Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo ku hadlayay afka shirkahada korontada bixiya ee ka qayb-galay kulankaas u dhexeeyay shirkadaha laydhka iyo komishanka Tamarta Somaliland ayaa sheegay in ay isla afgarteen in si wada jir ah uga wada shaqeeyaan hawlaha la xidhiidha sidii bulshada loo gaadhsiin alahaa adeeg koronto oo tayo leh.

Ugu dambayn guddoomiyaha komishanka tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadarre ayaa shirkadaha aan ka diiwaan gashanayn komishanka tamarta Somaliland u soo jeediyay iska diwaangeliyaan komishanka tamarta Soomaaliland.

Gudoomiye Axmed Cadare waxa kale oo uu sheegay in shirkadaha korontada bixiya ee Somaliland ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa adeegga korontada Somaliland, badbaadada shaqaalaha iyo sidii shacabka Somaliland ay u heli lahaayeen koronto jaban oo ay iska bixin karaan.

Xigasho: Wargeyska Dawan.

bandhige@gmail.com