Hargeysa oo lagu soo dhaweeyey wefti uu hogaaminayo Wasiirka Boosaha ee Itoobiya

Wefti uu hoggaaminayo wasiirka Boosaha Itoobiya ayaa waxa Hargeysa ku soo dhaweeye wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamuud Jaamac Abgaal.

Weftigan ayaa ujeedasii tahay xoojinta xidhiidhka boosaha labbada dal iyo dhinaca isgaadhsiinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka boosuhu in ay doonayaan sidii loo samayn lahaa boos labada waddan yeelan lahaayeen.

Dhinaca kale wasiirka boosaha iyo isgaadhsiin Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in ay Somaliland iyo Itoobiya haatan ka wada xidhidhaan dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo isku socodka bulshada balse haatan ay doonayaan in bilaabaan dhinaca boosaha.

bandhige@gmail.com