Hogaankii garabka dhallinyarada ee Xisbiga Waddani oo banneeyay xilalkii ay hayeen, kadib markii muddo xileedkoodi dhammaaday

Hogaankii garabka dhallinyarada ee Xisbiga Waddani oo banneeyay xilalkii ay ka hayeen xisbigaasi

Dhamaan hogaanka garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani ayaa saaka banneeyay xilalkii ay ka hayeen xisbigaasi kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkoodi oo ahaa 5 sano.

Godoomiyaha garabka dhallinyarada ee Xisbiga Waddani Maxamed Siciid Dhamme oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay banneeyeen kuraastii garabka dhallinyarada ee xisbiga kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkoodi.

Dhanka kale, Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay fursad siinayaan dhallinyarada kale ee Xsibiga waddani.

Gudoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlaya hoos ka daawo: