Hoggaamiyaha Jarmalka waxay sheegtay in aanay Yurub isku halayn karin Maraykanka iyo Ingiriiska

 

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel waxay sheegtay in aanay Yurub isku halayn karin Maraykanka iyo Ingiriiska kadib doorashadii madaxweyne Trump iyo aftidii ay Ingiriisku ku go’aansadeen ka bixidda Midowga Yurub.

Hadalkan ayaa waxay sheegtay Angel Merkel wakhti ay ka hadlaysay isu soo bax olole doorasho, ayaa waxa ay Merkel sheegtay in Yurub ay u baahan tahay in ay ka shaqeyso masiirkeeda.

Waxa ay intaa ku dartay in ay doonayso xidhiidh wanaagsan oo ay qaaradaasi la yeelato labadaasi waddan iyo weliba Ruushka.

Hadalkeedan ayaa ka dambeeyay markii shir madaxeedkii G7 la isku afgaran waayay heshiiska isbedelka cimilada ee Paris lagu gaadhay sannadkii 2015-kii.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in go’aankiisa ku aaddan heshiiskaasi uu shaacin doono todobaadka dambe.

Angela Merkel ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso xidhiidh uu dalkeeda la leeyahay madaxweynaha cusub ee Faransiiska, Emmanuel Macron

Ra’yi ururin laga sameeyay Jarmalka, ayaa muujinaysa in Merkel ay markii afaraad ku guulaysan doonto doorashada madaxtinnimo ee dalkaasi ka dhici doonta bisha September ee sannadkan.

bandhige@gmail.com