Huteelada Cuntada ee Degmada Axmed Dhagax oo loo Qabtay Tababar

Hargeysa (Dawan) Xafiiska arrimaha bulshada iyo fayadhawrka ee degmada Axmed Dhagax oo kaashanaya ururka Havo Organization, ayaa shalay tababar u qabtay guud ahaan meheradaha cuntada iyo huteelada ku yaala degmada Axmed Dhagax.

Tababarkan ayey u jeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadilaha aqoonta shaqaalaha hudheelada iyo sidii loo ilaalin lahaa badqabka cuntada ay u samaynayaan macaamishooda iyo arimo kale oo la xidhiidha caafimadkooda.

Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa ugu dambayn waxaa uu ururka Havo guddoonsiiyay hudheelada degmada Axmed Dhagax shahaadooyin halkaas oo ay mahadnaq iyo boggaadin u jeediyeen xafiiska arimaha bulshada iyo ururka dhalinyarada ee Havo Organization.

Dowladda hoose ee degmada Hargeysa ayaa muddooyinkii u danbeeyay waday dadaalo kor loogu qaado bilicda iyo fayo-dhawrka meheradaha ganacsi iyo goobaha laga cunteeyo, iyaga oo baadhaya alaabooyinka ay iibinayaan wakhtiga u hadhsan, sidoo kalena hubinaya huteelada caasimada goobaha laga cunteeyo, hubinta badqabka iyo nadiifinta weelka wax lagu karinayo iyo ka dadka wax lagu siinayo intaba.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com