Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray maalmaha mucayinka ah ee qorsh-haweedka doorashada ee 2024-ka, kaasi oo ay ku soo bandhigeen jaantuus ay ku taariikhaysan yihiin dhammaan hawlaha la qabanayo wakhtiyad soo socda eek u aadan doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Asxaabta siyaasadda.
Komishanka doorashooyinka ayaa qorshe-hawleedkan la wadaagay dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka iyo bulshada Somaliland oo u dhag taagaysay inay ogaadaan halka ay wax marayaan iyo wax uu yahay qorshada Komishanku.
Qorshahan ayaa waxa ku cad hawl-qabadka maalinlaha ah ee doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Asxaabta siyaasadda, waxaana si cad loogu sheegay xiliga ay liisanka gudbinayaan liistada Xisbiyadda iyo urrurada siyaasadda, sidoo kale waxa lagu sheegay wakhiga la bilaabayo ololaha doorashooyinka iyo wakhtiga lagu dhawaaqayo natiijada hordhaca ah ilaa wakhtiga loo gudbinayo natiijadaasi Maxkamadda sare.
Qorshe-hawleedka maalmaha mucayinka ah ee doorashada 2024-ka ee ay Komishanka doorashooyinku soo-saareen ayaa waxa uu u dhina yahay sida tan:-
12 August soo gudbinta liistada xisbiyadda iyo Urrurada siyaasadda
12 September soo gudbinta murashaxiinta Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha
24 October soo gudbinta Muraaqibiinta Xisbiyadda iyo Urrurada siyaasadda
Xx October bilawga ololaha doorashada
10 November dhammaadka ololaha
13 November maalinta codbixinta
20 November soo-saarista natiijadda ku meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyadda siyaasadda
21 November u gudbinta Maxkamadda sare natiijada ku meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyadda Qaranka.
Xigasho: Wargeyska Dawan Bandhige@gmail.com