Ilhaan Cumar iyo gabadh Falastiiniyad ah oo noqday gabdhihii koowaad ee Muslimiin ah ee ka mid noqda G. Wakiillada Maraykanka

Markii koowaad ayaa laba haween ah oo muslimiin ahi ay ka mid noqdeen Golaha Wakiillada Maraykanka.

Ilhaan Cumar oo Soomaaliyad (37 jir) ah iyo Rashiida Talaib oo Falastiiniyad ah (42 jir) ayaa ayaa labada la shaaciyey saaka in ay hanteen kuraastii ay u tartamayeen.

Ilhaan iyo Rashiida oo ka tartamayey meelo ay xisbigoodu ku xooggan yihiin ayaan la kulmin caqabad adag iyadoo Ilhaan kaga guulaysatay gabadhii la tartamaysay ee ka socotay xisbiga Jamhuuriga 80%.

Rashiida waxa ka mid noqon doontaa xildhibaannada metelaya Michigan, halka ay Ilhaan Cumarna ka mid noqon doonto xildhibaannada meteleya Minnesota.

Ilhaan Cumar oo ka soo jeedda deegaanka Puntland, waxay ku dhalatay Muqdisho sannadkii 1981. Markii burburkii Soomaaliya dhacay waxay muddo qaxooti ku ahayn xerada Dhadhaab ee ku taalla Kenya, ka hor intii aanay u haajirin Maraykanka iyadoo da’deedu tahay 12 jir.

Ilhaan waxa lagu tilmaamaa gabadh furfuran, firfircoon, si wanaagsana ugu doodda bulshooyinka ay metesho ee Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta.