Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Maraykanka ayaa ku guulaystay Golaha Wakiillada, waxay dib-u-dhac u tahay siyaasadaha Trump

Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Maraykanka ayaa mar kale madaxa la soo kacay kadib markii uu muddo laba sanno ah ka maqnaa saaxadda siyaasadda iyadoo laga haystay madaxtooyada iyo labada aqal.

Waxa saaka lagu dhawaaqay in Dimuqraadigu ku guulaystay Aqalka Wakiillada oo ah aqalka hoose ee Maraykanka ahna aqalka ugu muhiimsan marka ay noqoto meel-marinta iyo ansixinta siyaasadaha lagu dhaqo Maraykanka gudihiisa.

Guushan Dimuqraadiga ayaa caqabad weyn ku noqonaysa Donald Trump oo ku naaloonayey taageerada baarlamaanka Maraykanka si kasta oo uu dhaqmo iyo go’aan kasta oo uu gaadhana aan warwar ka qabi jirin in cidi ka hor iman karto.

Hase ahaatee wuxu xisbiga Jamhuurigu adkaystay Aqalka Sare ee loo yaqaan Senate-ka, kaas oo aan lagu soo dooran tirada dadka laagiin lagu soo doorto tirada gobollada.

Dimuqraadigu haatan waxay awood u yeelanayaan in ay keeni karaan saaxadda mooshin xilka lagaga xayuubinayo Trump, haddii ay caddaymo u helaan.

Sidoo kale waxay awood u yeelanayaan in ay tallaabo tallaabo ula socdaan waxa ka socda Guriga Cad, isla markaana ay dib u soo laagaan wixii sharci ama siyaasad ay af garan waayaan.

Dunida kale ayaa indhaha ku haysay doorashadan, iyadoo werwer badan laga qabay in haddii Trump labada aqal ku guulaysto uu halis ku noqon kara hannaanka ay dunidu u dhisan tahay.

Bandhige@gmail.com