Itoobiya Oo U Muuqata Inay Si Weyn Uga Shakiday Dhaqdhaqaaqa Masar Ee Somaliland Iyo Aamusnaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa u muuqata inay qaaday shaki weyn oo dhinaca Somaliland ah, waxaanay muddo toddobaadyo gudahood ah masuuliyiin kala duwan oo Itoobiyaan ahi ay ka hadleen dareenka ay ka qabaan wefti dawladda Masar ka socday oo dhawaan socdaal ku yimid caasimadda Hargeysa ee Somaliland.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dini Mufti ayaa laba toddobaad gudahood wuxuu ka hadlay dareenka saska ah ee ay dawladda Itoobiya ka qabto warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dawladda Masar Somaliland ka dalbatay saldhig milatari. 28 July wuxuu Afhayeenku dareenka dalkiisa ee arrintan uga waramay warbaahinta dalka Kenya, waxaanu digniin u diray dawladda Masar.

Toddobaadkan, isagoo Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya la hadlaya warbaahinta gudaha Itoobiya, wuxuu mar kale ku celiyay shakiga ay Itoobiya ka qabto in Masar ay doonayso inay saldhig milatari ka samaysato Somaliland, waxaanu sheegay inaanay Itoobiya doonayn in xidhiidhka Masar ay la yeelanayso Somaliland aanu noqon mid duulimaad ku ah dalka Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay inuu farriin adag u dirayo Somaliland, Koonfurta Sudan iyo dhinacyo kaleba.

Isla toddobaadkan, Taliye ku-xigeenka guud ee Ciidammada Milletariga ee Dalka Itoobiya, ahna Madaxa Hawl-gelinta Ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa isaguna ka hadlay qorshahan uu sheegay inay Masar ku hawlantahay ee ay ku doonayso inay saldhig milatari kaga samaysato Somaliland.

Itoobiya ayaa bishii hore ee Julay waxay wefti culus u soo dirtay Hargeysa, kuwaas oo la aaminsanyahay inay sideen farriin uu Madaxweyne Biixi ugu soo dhiibay Raysalwasaare Abiye Axmed oo la xidhiidha socdaalka weftigii Masar iyo qorshaha aan la xaqiijin ee saldhig milatari.

Hadaladan ay baahinayaan masuuliyiinta kala duwan ee Itoobiya oo la xidhiidha Masar iyo Somaliland, ayaanay xukuumadda Madaxweyne Biixi wax jawaab ah ka bixinin ilaa hadda. Laakiin Itoobiya ayaa u muuqata inay shaki weyn ka qaaday dhaqdhaqaaqa Masar ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrimahan wax ka weydiiyo ayaanay noo suurtogelin.

Si kastaba ha ahaate, haddii uu sii xoogaysto shakiga Itoobiya, Somaliland-na ay sidaas u aamusnaato waxa suurtogal ah inuu dhaawac soo gaadho xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.

Xigasho: Geeska Afrika