Komishanka Doorashooyinku waxay tababar u fureen shaqaalaha qaybin doona kaadhka codbixinta doorashooyinka

 

Waaxda tababarada KDQ waxay bilaabeen tababarkii shaqaalaha KDQ ee kaadh bixinta Gobolka Awdal.

shaqaalahan oo mudo laba casho ah ku tababaranaaya shaqada kaadh qaybinta codbixiyaha ee ka bilaabmi doonta Gobolka Awdal dhammaadka bishan April.

Shaqaalahaas oo tababarka ka bacdi lagu dhaarin doono xubnaha Guddida KDQ ee ku sugan Gobolka Awdal hortooda.

Komishanka Doorashooyinka ayaa waxay qorshaynayaa in qaybinka kaadhka gobollada Awdal iyo Saaxil iyo goobaha xeebta Sannaag taasi oo kaadhadhka loo qaybin doono muddo bil ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=i7sGChK2wk4

bandhige@gmail.com