Ku Dhawaad 400 Oo Falastiiniyiin Ah Ayaa Ku Dhintay Weerarrada Cirka Ee Israil Ku Hayso

Qaza 24kii Saacadood Ee Ugu Danbeeyay, Sida Ay Sheegeen Saraakiisha Caafimaadka Ee Falstiiniyiintu, Dadkaasoo 60 Ka Mid Ah Ay Ku Dhinteen Weerarradii Xalay Saqdii Dhexe.

Israil Ayaa Duqaysay Goobo La Deggan Yahay Oo Ku Yaalla Marinka Qaza, Kuwaasoo Ay Ku Jirto Xerada Qaxoontiga Ee Al-Jabalia Ee Dadku Aadka Ugu Badan Yihiin Iyo Goobo U Dhow Cusbitaallada AL-Shifa Iyo AL-Qudus,

Waxaana Halkaa Ku Dishay 30 Qof. Israil Ayaa Sidoo Kale Kordhisay Weerarrada Ay Ku Hayso Daanta Galbeed Xalay, Iyada Oo 2 Qof Falastiiniyiin Ahi Ku Dhinteen Weerar Ay Ku Qaadday Naabulis.

Shiinaha Ayaa Maanta Oo Isniin Ah Ku Baaqay Inuu Samayn Doono Wax Kasta Oo Suurtagal Ah Si Loo Af-Jaro Dagaalka Qaza, Sida Ay Soo Tabisay Warbaahinta Dawladda Shiinuhu, Iyada Oo Soo Xigaynaysa Ergayga Dawladda Shiinaha U Qaabilsan Bariga Dhexe.

Ugu Yaraan 4,651 Qof Oo Falastiiniyiin Ah Ayaa Ku Dhintay Weerarrada Israil Ee Qaza, Halka Israa’iil Na Ay Ku Dhinteen 1,400 Oo Qof Tan Iyo 7dii October.

Somaliland News Agency

Cabdiraxmaan Hayaan