Dalka shiinuhu muxuu ka damacsanyahay maamulada Istraatajiga ah ee ka abuurayo Soomaalilaan gudaheeda? Waa su’aal ku haboon in aad la isku weydiiyo. Ujeedada Shiinuhu ka leeyahay Soomalilan waa laba qodob. Kow, waa in uu ka hortago heshiiska ku saabsan qorshaha Maraykanka ee ku jihaysan kadinada la ga galo baddaha hindiya iyo baasifiga, laba, in uu xayiro maalgashiga dalalka imaaraatka iyo taywaan ay ka wadaan soomalilaan. Labadan ujeedo ayaa dalweynaha Shiinaha ku dhaliyay in uu ka leexdo dhinacii dimlamaasiyadda oo u bilaabo farogalin toos ah. Shiinuhu waxa uu xaqiiqsanaa in aan qorshihiisu midhodhal noqon doonin haddii aanu helin gacan dhow oo kala shaqaysa qorshahan (Strategic Partner)
Ka dib, gacanta uu ka haley dowladda Itoobiya, dadka deegaanka ee uu qorshahani ku wajahanyahay oo qabay tabashooyin siyaasaddeed, dadka aaminsan aragtida galbeed nacaybka oo Soomaalilaan ku soo badanayay, iyo siyaasiyiinta mansab doonka ah qaarkood, ayaa suurtogaliyay in uu gacanta ku dhigo Gobolada bariga oo dowladda Taywaan ka waday sahaminta iyo qodista ceellal shidaal. Xaqiijinta guushani waxa ay ku dhiirisay in uu bilaabo wajigii labaad ee miiska u saarnaa oo ahaa gacan ku qabashada gobolka Awdal oo u sahli kara in uu meesha ka baxo maalgashiga malaayiinta ah ee dowladda Imaaraatku ku bixisay marsada Berbera, iyo carbuunta saarnayd xeebaha Soomaalilaan in muddo ahba. Shiinuhu isbalaadhinta uu ka wado gudaha soomalilaan waxay u socanaysaa tartiib tartiib ilaa gacanta uu ku wada dhigayo.
Shiinaha iyo Itoobiya oo wadajir u dajistay istraatajiyad fog oo damacooda ku dhisan, waxa ay si cad u ga badheedheen loollan ka dhan ah galbeedka oo ka dhaca gudaha Soomaalilaan. Marka la ga hadlayo Shiinaha, Jabuuti way daynsatahay oo si cad u ga ma hor iman karto, madaxweynaha Soomaliya na ma dejin qorshe uu ku la macaamalayo Maraykan iyo Shiinaha, sidaa awgeed waxa uu culayska u gu badan ku dhacay Soomalilaan iyo Itoobiya. Soomalidu waxay tidhaa goob laba maroodi ku hirdameen caws ayaa ku baaba’a, way iska cadahay in Itoobiya iyo Soomalilaan ay yihiin dhibanaha koowaad ee dagaalka bilowga ah.
Dagaalkii Laascaanood waxa uu dalka shiinaha u sahlay in uu banjariyo qorshihii Maraykanku ka waday Soomaliya/ Soomalilaan, gaar ahaan dhinacyada Nabadgalyada, Dimlomaasiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, oo ahaa tiirarka muhiimka u ah qorshaha Maraykanka. Shiinihu waxa uu guul ka gaadhay kala dhantaalka ciidanka qaranka, dhismaha khaatumo oo loo aqoonsaday maamul ku meelgaadh ah oo shiinuhu gacanta ku hayo, talaabooyinka uu qaaday waxa ku baaqday howlihii u qorshaysnaa Maraykanka, oo ay ka mid ahaayeen dhoolotuskii ciidan ee ka dhici lahaa marsada saaxil, iyo wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya/Soomaalilaan. Dagaalku waxa kale oo uu naafeeyay hay’adihii Soomaalilaan u qaabilsanaa dimuqraadiyadda oo kaalin wax ku ool ah ka ga jiray iskaashiga Maraykan iyo Soomalilàn.
Shiinaha, guusha kadib, waxa ka go’ an in uu ku faroadaygo gobolada barriga soomaalilaan, dhowaanahan waxa ka jiray deegaanka farogalin istraatagi ah oo kooxo xagjir ahi ka wadaan buuhoodle iyo Ceerigaabo, howlgaldan shiinuhu xaga danbe ka riixayo waxa looga gonleeyahay in ay sahlaan in dowladda Itoobiya oo danaheeda difaacanaysaa ay gudaha u soo gasho deegaanka buuhoodle fadhiisina ka samaysato magaalada Caynabo oo ah goob dhinaca kale u qorshaysan fadhiisan dowladda imaaraatka ah. Dhanka ceerigaabo waxa loo ga dan lahaa isku dhac dadweyne oo hordhac u ah doodda odhanaysa Ceerigaabo waa Gaalkacayo. Farogalintan dowladda Soomalilaan waxay u ga jawaabtay sidii u gu haboonayad oo ah in la gu wacyi galiyo in dadka deegaanku difaac la galaan cadowga ku soo duulay deegaanadooda.
Gun iyo Gabogabo, waxa caddàan ah in ay abuurantay khariiradii dagaalka quwadaha waaweyn ee gudaha Soomalilan. Dalalka galbeedka oo dhinac ah iyo deegaano galbeed la dirir ah oo shiinuhu xaga danbe ka riixayo oo dhinaca kale ah. Dhowaan socdaalkii uu ku tagay hogaamiyaha Kaatumo magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatay diblamaasiyiin ka socday dalalka (Shiinaha, Turkiga, Itoobiya) haseyeeshee, kooxda xalane oo Ingiriis iyo Maraykan horkacayaan waxay albaabada ka xidheen la kulanka hoggaamiyaha Khaatumo, waa fariin dimlamaasiyadeed oo la akhrisan karo.
Gobolka Awdal, oo dabayshani ka dhacayso waxa la gudboon in ay aad u ga fiirsadaan xaaladda jirta, go’aanada ay gaadhayaana ay ku fadhiisiyaan maslaxada dadkooda iyo deegaankooda, xukuumadana waxa la gudboon in ay la timaado qorshe cad oo badqaba oo la gu maamulayo baddaha, si gaar ahna loo gu maalgalinayo xeebaha Istraatajiga ah ee gobolka Awdal.
Qore:Rabiile Xaaji Abiib
Bandhige@gmail.com