Kulmiye waa ka ugu Facawayn Baaxada Siyaasadeed Dalka” Wasiir Cabdinaasir Buuni

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye yahay ka ugu facawayn baaxada siyaasadeed ee dalka.

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa waxa uu intaasi ku daray in xisbiga Waddani uu ka hor yimid heshiiskii MOU ee ay kala saxeexdeen Somaliland Itoobiya,islanarkaana mustaqbalka dalka ku jiro in Xisbiga Kulmiye la doorto.

Cabdinaasir buuni oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Xisbiga Waddani waxa uu ka horyimi Qaranimada,waajibkiisu waa in aynu ka saarno saaxada Siyaaasada,xisbi qaranimaada ka hor yimid waa in xisbi ahaan u baaba o guushu way muuqataa. waxaana ay sugaynaa codaynta.xisbiga Kulmiye waa xisbiga ugu facawayn baaxada Siyaasadeed ee dalka waana xisbiga ugu awooda badan Somaliland,waxaana ugu cimri yar Xisbiga Waddani oo inala tartarmaya oo 2017 aynu ka badinay.waxaana inala tartamayaa Cabdiraxmaan Cirro oo Muuse Biixi ka badiyay 2017,waxaana mustaqbalkiinu ku jiraa xisbiga Kulmiye oo guulaysta.xisbiga Waddani waxa uu ka hor yimid heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee MOU,

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com