Kuuriyada Woqooyi waxay ridday gantaal tijaabo ah

 

Wararka ka imanaya Koonfur Kuuriya ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ridday gantaal loo malaynayo in uu yahay nooca ballistic-ga ah.

Gantaalka waxa laga ganay gobol u dhaw xeebta galbeeed ee dalkaa, waxaana sidaa ku soo warantay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Kuuriyada Woqooyi waxay sannadkan samaysay tijaabooyin isku xig xigay oo ay gantaalo ku gantay, arrintaasina waxay sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa iyada iyo Maraykanka.

Pyongyan ayaa dardar gelisay barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaha sannadihii u dambeeyey in kasta oo ay soo food saartay cambaarayn caalami ah iyo cuna qabatayn Qaramada Midoobay ku soo rogtay.

Hase ahaatee laba gantaal oo la tijaabiyey bishii hore ayaa labadiiba fashilmeen.

bandhige@gmail.com